Gawaadhida leh lambarka SM oo wali kaxaniban jidka u dhaxeeya Jigjiga ilaa Addis Ababa
Khamiis, Maarso, 21, 2019 (HOL)- Tan iyo intii ay bilaabatay colaadda
Soomaalida iyo Oromada ayaa waxaa xidhan guud ahaan jidka laamida ah ee u
dhaxeeya Jigjiga ilaa Addis Ababa.
Haddaba Jidkan ayaa waxaa uu ka
xidhan yahay gawaadhida uu ku xidhan yahay lambarka SM oo loo soo gaabiyay
Soomaali, kaas oo laga bixiyo degaanka Soomaalida.
Gawaadhidan lambarkan wata ayaa
waxaa ay soo gaadhaan ilaa baabili oo ka tirsan degaanka Oromada, hadii ay baabili
soo dhaafaana waxaa ay la kulmaan dhibaato iyo handadaad.
Geesta kale gawaadhida lambarada
degaamada kale ee dalka wata ayaa sitoos ah uga shaqaysta degaanka Soomaalida
mana jirto cid la hadasha ama dhib u gaysta, waxayna gaadhaan ilaa wajaale.
Haddaba arrintan ayaa dhibaato ku
noqotay shacabka Soomaaliyeed ee wata gawaadhida leh lambarka SM, waxayna dadka
qaar door bideen inay iska badalaan SM oo ay ku badashaan lambarada kale ee
degaamada dalka.
Arrintan ayaa in badan lagala hadlay
Dawladda Degaanka Soomaalida iyo Fadaraalkaba, mana jirto ilaa iyo hadda wax
xal ah oo laga gaadhay arrintan.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]