4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 21, 2019
Kal-fadhiga 5aad ee Gollaha shacabka oo la shaaciyay xilliga uu furmayo

Khamiis, Maarso, 21, 2019 (HOL)- Guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho,iyadoo kulanka uu guddoomiyay guddoomiyaha golaha shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Kulanka ayaa inta uu socday looga hadlay arrimo quseeya Baarlamaanka,waxaana lagu mudeeyay xilliga uu furmayo kalfadhiga 5aad ee golaha Baarlamaanka.

Guddiga ayaa shaaciyay fadhiga 5aad ee Baarlamaanka inuu si rasmi ah u furmayo 27-ka bishaan ,waxaana mudeynta xilliga uu furmaya kalfadhiga uu ku soo aadday iyadoon wali xal rasmi ah laga gaarin khilaafka u dhaxeeya labada gole ee Baarlamaanka.

Horay waxaa loo qorsheeyay inuu kalfadhiga furmo 16ka bishan Maarso, balse dib ayaa loo dhigay sababo la xiriira guddoomiyaha golaha Baarlamaanka, Maxamed Mursal Sheekh oo dalka dibaddiisa ku maqnaa, sida ku cad jadwal howleedka Baarlamaanka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]