4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 21, 2019
Shuruudaha xubnaha ka mid noqonaya golayaasha deegaanka degmooyinka Puntlnad oo la shaaciyay

Khamiis, Maarso, 21, 2019 (HOL)- Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dimuqraadiyaynta Puntland ayaa maanta shaacisay shuruudaha laga doonayo xubnaha ka mid noqonaya golayaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland.

Warqad uu ku saxiixnaa wasiirka arrimaha gudaha oo lagu soo bandhigay shuruudaha ayaa ku soo aadday xilli ay Puntland ka socoto dhismaha golayaasha deegaanka ee degmooyinka.

Degmada Gaalkacyo ayaa lagu wadaa inay noqoto halka ugu horreysa ee loo dhiso gola deegaanka, waxaana hadda socda dadaallo lagu soo dhammeystirayo xubnaha ka mid noqonaya golaha deegaanka.

Hoos ka akhri shuruudaha;

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online