4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 19, 2019
Wasaaradda arrimaha gudaha oo si deg deg ah ugu baaqday in lagu joojiyo dagaallo ka dhacay gobollada Sh/Dhexe iyo G/galaduud

Talaado, Maarso, 19, 2019 (HOL)- Wasaaradda arrimaha gudaha dib u heshiisiinta iyo arrimaha Federaalka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa baaq deg deg ah goor dhow ka soo saartay dagaallo ka dhacay deeganno ka kala tirsan gobollada Shabeellaha dhexe iyo Galgaduud.

Wasaaradda waxay mas’uuliyiinta Hirshabelle, Galmudug iyo waxgaradka deegaanka ugu baaqday inay si dhab ah ugu istaagaan daminta colaaddaas, waxaana ay ka tacsiyeysay dadkii ku dhintay colaadaas.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay inay kaalin wayn ka qaadanayso dib u heshiisiinta bulshada oo ka mid ah hawlaha ay u xilsaarantahay.

Dagaallada oo u dhaxeeya beelo ood-wadaag ah ayaa  labadii maalmood ee la soo dhaafay ka dhacay deegaan ka tirsan degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe iyo deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud, kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Hoos ka akhri baaqa wasaaradda arrimaha gudaha;



Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]