4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 19, 2019
Uganda: Dad laga cabsi qabo "inay ku sumoobeen" boorash loo qaybiyay

 

Talaado, Maarso, 19, 2019 (HOL)-Dalka Uganda waxaa la joojiyay qaybinta mishaari la siinayay qaxootiga iyo dadka ay nafaqo-darrada hayso ee ku nool dalka Uganda, iyadoo cabsi laga qabo inay ku dhimatay haweeney da` ah.

Ku dhowaad 200 oo qof oo kale ayaa isbitaalka la dhigay, kaddib markii ay cabeen boorashkaas oo lagu magacaabo super cereal.

"Dabcan waxaa laga yaabaa inay wxa ka jiraan balse waxaan u baahannahay inaan xaqiiqda ogaanno," afhayeen u hadlay Barnaamijka Cuntada Adduunka ee WFP ayaa sidaasi BBC-da u sheegay.

 "Ma ogaan karno ilaa sheybaarka dowladda iyo kan WFP ay ogaadaan sababta ay dadku u xanuunsadeen," ayuu yiri.

Dadka xanuunsaday ayaa ka sheeganayay mantag, qandho iyo calaamado kale oo la xiriira sumowga cuntada, sida ay sheegeyso weriyaha BBC-da Catherine Byaruhanga.

WFP ayaa sheegtay in bukaannadu ay ka tirsan yihiin qoysas toddobaadkii hore loo qaybiyay shurbadda.

Super cereal waxaa caadi ahaan la siiyaa haweenka uurka leh iyo kuwa nuujinaya ee khatarta ugu jira nafaqo-darrada, balse waxaa sidoo kale hadda loo qaybiyaa dadka reer Uganda iyo qaxootiga nafaqa-darreysan.

Uganda waxay martigelisay 1.1 milyan qaxooti ah - taas oo ah tirada ugu badan ee joogta dal Afrika ku yaalla. Qaxootigaas badankood waa haween iyo carruur kuwaas oo ka soo qaxay xadka Suudaanta Koofureed.

Super cereal ayaa laga qaybiyaa guud ahaan Uganda, sida ay WFP sheegtay, balse kiisaskan ayaa laga soo sheegay waqooyi-bari gobolka Karamoja.

Dagaallo ayaa hore uga dhacay halkaas, iyadoo ay sidoo kale ka jirto abaar iyo saboolnimo ba`an oo sababay in bulshada halkaas ku nool ay ku tiirsanaadaan gargaarka cuntada.

Waxaa socda dadaallo lagu soo celinayo kiishash shurbaddaasi ay ku jirto oo hore dadka loogu qaybiyay.

Xigasho BBC