4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 19, 2019
Taliska militariga oo sheegay in uu socdo dagaal ka dhan ah Al-shabaab

 

Talaado, Maarso, 19, 2019 (HOL)-Taliska ciidamada militariga dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in qeybo ka mid dalka uu ka soconayo dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo Al-shabaab.

Taliska ciidamada xoogagga dalka Soomaaliya Sa/ Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha-Qarshe)  ayaa sheegay in dagaalkaas sidoo kale uu u dhaxeeyo dadka deegaanka iyo Al-shabaab ciidamadana gacan siinayaan dadka deegaanka.

Waxaa uu sheegay in dagaalkaas dadka ku dhimanaya ay yihiin ciidamo u baahan in la taageero oo la garab istaago,hayeeshee weli uu jiro gaabis farabadan.

Amniga ayuu sheegay in uu yahay wax uu shacabka leeyahay oo ay Ciidamada kala Shaqeeyaan,waxaana uu Shacabka ka dalbaday inay sugida amniga kala Shaqeeyaan si loo helo nabad waarta.

Hadalka taliyaha ayaa imanaya xili habeenimadii xalay Al-shabaab la wareegeen qeybo ka mid ah degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]