4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 19, 2019
kulan looga hadlayay dardargalinta is dhaxgalka Bulshada iyo Laamaha Amniga oo ka dhacay Muqdisho


Talaado, Maarso, 19, 2019 (HOL)- Kulan oo ahaa mid looga hadlayay dardar gelinta isdhexgalka Bulshada iyo Hay’adaha Amniga, ayaa waxaa soo qabanqaabiyay maamulka gobolka Banaadir oo uu guddoomiyaha ka yahay Cabdiraxmaan Cumar cismaan Yariisow.

Waxaa kulanka ka qeybgalay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir kuxigeenadiisa, taliyeyaasha Ciidamada, qaar ka mid ah dhalinyarada Gobolka Banaadir iyo Ururada Haweenka Gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo hadal ka jeediyey munaasada ayaa sheegay in daradar gelinta sugida amniga ay marka koowaad muhiim tahay in lala Shaqeeyo Ciidamada Amniga,waxaana uu sheegay in Ciidanka kaligood aysan waxba qaban karin.

Waxaa uu sheegay in sidoo kale in sugida amniga dalka ay ka qeyb qaadan karto in dowladda federaalka ay gaarto isku filnaansho dhinmaca dhaqaalaha taasina ay bilaaw u tahay la-agaalanka musuq maasuqa,waxaana uu raja ka muujiyey in Soomaaliya laga cafiyo deynta lagu leeyahay.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka o0o kulanka goobjoog ka ahaa ayaa iyanja dhankooda waxa ay sharaxaad ka bixiyeen qaabka ugu wanagsan ee lagu sugi karo amniga dalka Soomaaliya.

Kulanka la xiriira dardar gelinta isdhexgalka Bulshada iyo Hay’adaha Amniga xilliga uu xalay ka socday Maagalada Muqdisho waxaa dagaal culus uu ka socday degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe oo 37km u jirta Magalada Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]