4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 17, 2019
Wakiilka gaar ah ee Qarramada Midoobey oo Jowhar kula kulmay madaxweynaha Hirshabeelle


Arbaco, July, 17, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle ayaa magaalada Jowhar ku soo dhaweeyay wakiilka gaar ah ee Qarramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mr James Swan.

Madaxweyne Waare iyo mas'uuliyiinta ugu sareysa maamulka Hirshabeelle oo uu ka mid yahay madaxweyne ku-xigeenka ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar siweyn ugu soo dhaweeyay wafdiga wakiilka Qarramada Midoobey.

Wakiilka ayaa kulan la qaatay madaxda Hir-Shabeelle, iyada oo laga  wada hadlay xoojinta wada shaqeynta howlgalka Qaramada midoobay iyo  maamulka Hirshabelle,waxaana sidoo kale kulanka goob joog ka ahaa  wakiila howgalka Qarramada Midoobay ee Hir-Shabeelle Mr Benjiamin.

Booqashada James swan ee Hirshabelle ayaa noqoneyso safarkiisa saddexaad  ee uu ku tago sowlad Goboleed,iyada oo uu horay u tegay dowlad  goboleedyada Puntland iyo Jubbaland,isaga oo kala hadlay arrimo dhowr  ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]