3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 17, 2019
Madaxweyne Farmaajo oo dalacsiiyay Saraakiil Boolis


Arbaco, July, 17, 2019 (HOL) -Madaxweynaha  Soomaaliya , Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalacsiiyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ,iyada oo arrintaa lagu sheegay inay ka dambeysay talo soo  jeedin ka timid Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Jen. Bashiir Ameeriko.

Munaasabad xalay ka dhacday Dugsiga Tababarka Booliska ee Jen. Kaahiye ayaa waxaa lagu dalacsiiyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska gobolka Banaadir, kuwaasoo isugu jira qaar ka mid ah taliyeyaasha Booliska degmooyinka,Taliye qeybeedyo iyo Taliyaha qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir.

Saraakiisha munaasabadan lagu dalacsiiyay ayaa waxaa kamid ahaa Taliyaha qeybta guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyed  Ex-G/Sare Saadaq Cumar Maxamed oo loo dalacsiiyay sareeye Guuto,sidoo kale la dalacsiiyay taliye ku-xigeenka qeybta guud gobolka Banaadir Ex G/Dhexe Maxamud Cabdiqaadir Xaaji (Jeego) oo loo dalacsiiyay G/Sare iyo sarkiil kale.

Munaasabadda waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mahdi Guuleed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqisho Eng. Cabiraxamaan Yariisoow, Wasiirka Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda Mudane Cabdi Cashuur Xasan, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdullaahi Xaamud iyo Taliyaasha Ciidammada.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed (Ameerika) ayaa sheegay in sidoo kale sannadkaan gudihiisa ay dalacsiin doonaan in ka badan 500 oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed( Khdar) oo darajooyinka Ciidan u xiray saraakiisha la dalacsiiyay ayaa sheegay in saraakiishaan sababaha loo dalacsiiyay ay keentay inay qeyb weyn ka qaateen sugida Amniga magalada Muqdisho.

Hoos Ka Akhriso Magacyada Saraakiisha Dhallinyarada ah ee la dalacsiiyay;
Mahad Korow (Gaashaanle)
Axmed Qadar (Gaashaanle)
Taliye Mooshin (Gaashaanle)
Yuusuf Xundubey(Gaashaanle Dhexe)
Bashiir Durqun (Gaashaanle)
Farxaan Maxamuud (Gaashaanle)
Yaasin Nuur Khayre (Gaashaanle)
Moha Jeego (Gaashaanle Sare)
Jeneraal Saadaq. (Sareeye Guud).

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
7/17/2019 11:02 AM EST
Arbaco, July, 17, 2019 (HOL)-Xisbiga mucaaradka ee WADDANI ayaa dhaliilo usoo jeediyey siyaasadda arrimaha gudaha iyo arrimaha dibadda ee xukuumadda madaxweyne Biixi.

7/17/2019 10:24 AM EST
Arbaco, July, 17, 2019 (HOL)- Madaxwaynaha Soomaaliya ,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto ku magacaabay Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo wada-hadallada Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland.

7/17/2019 8:49 AM EST
Arbaco, July, 17, 2019 (HOL)- Shirka madasha Shaqo Abuurka Qaran oo saddexdii maalin ee u dambeysay ka socday magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa maanta la soo gabagabeeyay warmurtiyeedna laga soo saaray.

7/17/2019 8:26 AM EST
Arbaco, July, 17, 2019 (HOL)-Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale ayaa maanta kulan kula la qaatay xafiiska xarunta maamulka saraakiisha hay'addaha samafalka ka howlgala gobolka Hiiraan.

7/17/2019 7:10 AM EST
Arbaco, July, 17, 2019 (HOL)-Inta la xaqiijinayo Afar ruux oo labo ka mid ahaayeen Dumar ayaa ku dhintay weerar lagu qaaday gaari ay la socdeen dulleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe.

7/17/2019 6:51 AM EST
Arbaco, July, 17, 2019 (HOL) - Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta Muqdisho ka furay shirka dardar-gelinta iyo fulinta qorshaha dib-u-soo kabashada iyo u adkaysiga Aafooyinka.

7/17/2019 3:57 AM EST
Arbaco, July, 17, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle ayaa magaalada Jowhar ku soo dhaweeyay wakiilka gaar ah ee Qarramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mr James Swan

7/17/2019 1:10 AM EST
Arbaco, July, 17, 2019 (HOL) - Aqalka Congresska dalka Marekanka ayaa si adag u cambaareeyay hadallo la isku raacay inay ahaayeen cunsuriyad oo madaxweynaha Marekanka Donald Trump uu ku yiri dumar aan caddaan ahayn oo ka tirsan Congresska.

7/17/2019 1:07 AM EST
Arbaco, July, 17, 2019 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa u sheegtay xujeyda Soomaaliyeed ee sannadkan gudanaya waajibaadka xajka inay heli doonaan adeegyo iyo farsamo la hubiyay.

7/17/2019 1:01 AM EST
Arbaco, July, 17, 2019 (HOL) - Haweenay u dhalatay dalka Belgium, ayaa noqotay qofkii u horreeyay ee dumar ah oo loo doorto madaxweynaha guddiga Midowga Yurub, kaddib codeyn qarsoodi ah oo ay sameeyeen guddiga.