4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 16, 2019
Hay’adaha amniga Federaalka oo la wareegay ammaanka magaalada Dhuusamareeb


Talaado, July, 16, 2019 (HOL) -  Ciidammada Nabad-sugidda iyo booliiska dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay sugidda amniga magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug.

Ciidanka maanta lagu wareejiyay sugidda amniga Dhuusamareeb ayaa ka kooban ciidankii hore ee nabad-sugidda iyo booliiska iyo ciidamadii Ahlusunna ee dhawaan la qarameeyay qeybtoodii lagu biiriyay nabad-sugidda iyo booliiska Qaranka.

newsinisdeRa’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo ay wehliyaan wasiirka amniga gudaha, wasiiru dowlayaasha arrimaha gudaha, difaaca iyo howlaha guud iyo madaxa fulinta Galmudug ayaa ciidamada kormeeray, si uu ugu dhiirri geliyo gudashada mas’uuliyadda wayn ee ay qaadeen, ugana mahad celiyo hannaankii wanaagsanaa ee ay uga soo shaqeeyeen amniga

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ciidammada kula dardaarmay in hannaanka ugu habboon ay uga shaqeeyaan sugidda amniga caasimada Galmudug iyaga oo wadajira oo aan kala laheyn magacyo kala duwan, kana amar qaata, xuquuqna ku wada leh dowladda federaalka, waxa uuna si gaar ah ugu ballan qaaday ciidamada dhawaan la qarameeyay in xuquuqdooda ay ku leeyihiin dowladda sida ugu dhaqsaha badan ugu billaabaneyso.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ciidanka ku boorriyay inay la yimaadaan dulqaad, qalbi wanaag, is-jeceyl, wadaninimo, Soomaalinimmo, tusaalana u noqdaan shacabka, cadawgana baqdin geliyaan, ayaa taliska ciidamada faray inay ciidanka u dhammaystiraan agabka ay u baahanyihiin si ay ugu fududaato gudashada waajibaadka culus ee ka saaran adkeynta amniga iyo nabad-gelyada magaalada Dhuusamareeb.

Gabagabadii, Ra'iisul wasaare Khayre oo u mahad celiyay cid kasta oo gacan ka geysatay dadaalka lagu bixiyay in ciidamada amnigu ay si buuxda uga howl galaan caasimadda Galmudug ayaa ciidanka kula dardaarmay in ay xasuusnaadaan in ay yihiin dad Soomaaliyeed oo dal Soomaaliyeed u shaqeynaya lagana doonayo in ay magaalada ka dhigaan mid nadiif iyo ammaan ah oo dadka u wada furan, maadaama sharafta magaaladu ay ku xirantay amniga.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]