3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 16, 2019
Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo Laba boqol oo masuul laga eryey shaqadii ay hayeen

 

Talaado, July, 16, 2019 (HOL)-Mas'uuliyiinta dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa qiimeyn lagu sameeyey waxa shaqadii laga eryey laba boqol oo masuul oo ah kuwo la soo magacaabo.

Mas'uuliyiintaasi labada boqol ah oo mid walba xafiiskii uu ka hawlgalayey lagu sameeyey qiimeyn ayaa mid waliba lagu helay eed u gaar ah, qaar musuqmasuq, qaar shaqo xumo, qaar maamul xumo, qaarna habsan shaqo iyo masuuliyiin kale oo khaladaad shaqo lagu helay.

Qiimeynta lagu sameeyo masuuliyiinta madaxdu soo magacowdo ee xilalka loo dhiibo ayaa guddi madax banaani ku samaysa qiimeyn ku saabsan masuuliyada ay dadka u hayaan, waxaana lagu kala saaraa shaqadii loo egmaday inay si fiican u guteen iyo in ay dayaceen.

Shaqo la eridu maaha markii ugu horeysay ee hore sidan oo kale waxay u dhacday laba jeer oo kala ah mar waxay ahayd wakhtigii Iid Daahir madaxweynaha ka ahaa 1996 oo la eryey illaa laba kun oo masuul oo shaqo xumo lagu eryey, marka labaad waxay ahayd xilligii Daa’uud oo isna qiimeyn uu sameeyey darteed lagu eryey illaa kun qof .

Nidaamkan qiimeynta ah waxa sameeyey Ra’isal wasaarihii hore ee Itoobiya Males Zanaawi, waxaanu ugu tallogalay dardargalinta shaqo iyo in masuuliyiinta xilalka haya la qiimeeyo oo uu shaqadda u qaranka u hayo lagu qiimeeyo qaabka uu u shaqeeyo.

Sidoo kale, waxa uu sameeyey nidaam adag oo shaqo, waxaana Itoobiya ku soo kordhiyey in qofkii laaluush bixiya iyo kii qaadaba muddo shan sanno oo xadhig ah uu mutaysto.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland. 













Click here
7/16/2019 1:48 PM EST
Talaado, July, 16, 2019 (HOL) - Ciidammada Nabad-sugidda iyo booliiska dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay sugidda amniga magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug.

7/16/2019 12:05 PM EST
Talaado, July, 16, 2019 (HOL)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax khasaare dhimasho sababay oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

7/16/2019 11:19 AM EST
Talaado, July, 16, 2019 (HOL)- Kulankan oo ay ka qeybgaleen, siyaasiyiin, xildhibaanno hore, wax-gaad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa lagu bogaadiyay socdaalka ra'iisal wasaaraha xuuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo dhismaha Galmudug mideysan

7/16/2019 11:11 AM EST
Talaado, July, 16, 2019 (HOL) - Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si aan horey looga baran uga hadlay qaraxii Jimcihii toddobaadkii hore ka dhacay magaalada Kismaayo.

7/16/2019 7:53 AM EST
Talaado, July, 16, 2019 (HOL)-Saraakiisha ciidamada Kenya ayaa sheegay in howlgal ay sameeyeen ku toogteen saddex xubnood oo ka tirsanaa Ururka Al-shabaan, kuwaa oo xiligaa ku howlanaa in ay Aasaan walxaha qarxa.

7/16/2019 5:54 AM EST
Talaado, July, 16, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka digay wax uu ku sheegay in lagu wiiqayo hoggaanka bulshada.

7/16/2019 5:48 AM EST
Talaado, July, 16, 2019 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday sannad walba in la xusi doono Allaha u naxaristo Hodan Naalaye oo ka mid ahay dadkii ku geeriyooday weerar toddobaadkii hore ka dhacay magaalada Kismaayo

7/16/2019 3:31 AM EST
Talaado, July, 16, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Ismaamulka gobolka Amxaarada ayaa loo magacaabay,Temesgen Tiruneh oo ah nin ku dhow ra’iisul wasaaraha Itoobiya, kalana talin jiray arrimaha amniga

7/16/2019 1:07 AM EST
Talaado, July, 16, 2019 (HOL)= Wakiilka cusub ee Qarramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan oo maalintii shalay gaaray magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ay ka doonayaan doorashada dhawaan ka dhici doonta Jubbaland in ay noqoto mid xor iyo xalaal ah.