4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 15, 2019
Ra'iisal wasaare Kheyre iyo madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan ku yeeshay Dhuusa-Mareeb


Isniin, July, 15, 2019 (HOL)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug kula kulmay madaxweynaha Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare

Kulanka dhex-maray Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre,  Madaxweynaha Hirshabeelle iyo madaxa fulinta Galmudug ayaa looga hadlay  nabadeynta iyo xasilinta colaadaha ka jira deegaannada ku xeeran degmada  Matabaan ee gobalka Hiiraan.

Madaxweyne Maxamed Cabdi waare iyo Sheekh Maxamed  Shaakir Cali Xassan ayaa si wadajir ah u bogaadiyay dadaallada Ra’iisul  Wasaare Xassan Cali Khayre ee arrimaha nabadeynta iyo dhismaha hey’adaha  dowladeed ee Galmudug waxa ayna ballan qaadeen in dhankooda ay qayb  xooggan ka qaadanayaan joojinta colaadaha iyo rabshadaha ka taagan  Matabaan si xal waara loo gaaro, loona helo nabad waarta.

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federalka Soomaaliya ayaa u  ballan qaaday madaxweynaha Hirshabeelle iyo madaxa fulinta Galmudug in  dowladdu ay labada dowlad gobaleed ku gacan siineyso dhamaynta colaadda  dhex martay dadka walalaha ah si loo xoojiyo wadajirka bulshada loogana  baaqsado dhiig dambe oo daata.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]