4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 15, 2019
SomBank oo xaruntii u horreysay ee Soomaaliya ka furay magaalada Garoowe


Isniin, July,15,2019 (HOL)- SomBank oo ah Bangi si gaar ah loo leeyahay ayaa furay laanta koowaad ee Soomaaliya oo laga furay magaalada Garoowe iyada oo maalmaha soo socdana la furi doono xarunta weyn ee Muqdisho.

"Hadafka SomBank waxaa ka mid ah soo gudbinta waaya-aragnimo bangiyeed oo sarreysa iyo door muhiim ah oo ay ka gasho bixinta adeegyada bangi oo la jaanqaadaya hababkii ugu hormarsanaa ee bangiyeed, welibana dadaal dheeri ah gelin doona sidii uu uga qayb qaadan lahaa kobcinta ganacsi iyo adeeg ee macaamiisha." ayaa lagu yiri war uu soo saaray bangiga.

Inkasta oo adeegyada bangiyeed ee Soomaaliya uu weli ku jiro marxalad dhisme, hadana waxaa jira heer koritaan caafimaad qaba oo si cad u muujineysa baahida sii weynaaneysa ee badeecadaha iyo adeegyada looga baahan yahay in ay bixiyaan bangiyadu sida; Horumarinta Beeraha, Horumarinta Xoolaha, Ganacsiga iyo Deegaameynta kuwaasi oo noqonaya meelaha ugu muhiimsan ee ay tahay in uu daboolo SomBank.

Maareeyaha SomBank,  Mr. Garaad Khaliif Nuur, waxa uu xusay in ay xawaaladuhu si kooban u buuxinayeen ka shaqeynta lacagta ee gudaha iyo sidoo kale dibeddaba intii uu maqnaa adeeg bangi oo dhammaystirani  iyaga oo loo aqoonsaday in ay ahaayeen kuwo hufan, kalsooni leh, la isku hallayn karo isla markaasna qiime-gal ah. Waqtigan xaadirka ah, bangiyada Soomaaliya waxa ay leeyihiin tartan kooban maadaama tirada bangiyada diiwaan gashani ay aad uga yar tahay baahida adeegeed ee bangi ee suuqa dalka Soomaaliya.

Bangiga Dhexe ee Soomaaliya waxa uu ku jiraa doorka hay'ad qarameed muhiim ah oo lagu dhisayo isla markaana dhidibada loogu dhigayo horumarinta iyo dhiirri-gelinta bangiyada si ay u bixiyaan adeegyo bangiyeed waafaqsan sharciga isla markaana loogu faa’iideeyo dadweynaha aan weli helin adeegyada bangiyeed ee waddanka gudihiisa.

Dhinaca kale, waxaa suurto galay in la helay wacyi gelin macaamiisha ee adeegyada muhiimka ah ee bangiyada Islaamiga iyo sidoo kale adeegsashada kanaalada Digital-ka ah kaas oo noqon doona meelaha uu sida goonida ah muhiimadda u saarayo SomBank isaga oo macaamiishiisa ugu diyaariyey in uu ka haqab tiro,sida ay sheegeen mas'uuliyiinta.

SomBank waxa uu bixinayaa adeegyo bangiyeed khaas ah oo loogu talagalay maalgelinta ganacsiyada xiriirka la leh fikradaha ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe.

"SomBank isaga oo adeegsanaya kanaaladiisa digital-ka ah sida T-Plus waxa uu diyaar u yahay in uu adeegyadaada kuugu fuliyo hab digital ah si loola jaan qaado geeddi socodka casriga ah ee tiknoolojiyada iyada oo laguu soo gaabinayo muddada shaqo qabasho si ku dheehan hufnaan iyo ammaano." ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay bangiga.

Adeegyada Macaamiisha muhiimka ah ee SomBank waxa ka mid ah;

− Mass Affluent
− Mass (General Retail)
− SMEs
− International Customers
− NGOs

Products-ka SomBank waxaa ka mid ah:
− Islamic Current Accounts
− Islamic Saving Accounts
− Murabaha Financing
− Ijara Financing
− Investment Accounts
− Digital Wallets
− International Travel Cards

SomBank waxa uu qorsheeyey in sannadkaan 2019 gudihiisa in uu furo laamaha Gaalkacyo, Galdogob iyo Boosaaso.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]