Xaalada degmada Dhuusa-Mareeb iyo dad loo soo qab qabtay qaraxyadii shalay ka dhacay
Isniin, July,15,2019 (HOL)-Guddaha magaalada Dhuusa-Mareeb saacadihii ugu danbeeyayb waxaa ka soconayay howlgalo Amaanka lagu sugayo kaddib qaraxyadii is xig xigay ee maalintii shalay halkaa ka dhacay.
Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in howlgaladaa lagu soo qab qabtay la tuhusan yahay, balse baaritaanno ku socdaan, gaar ahaan labo ruux loooga shakisan yahay sida ay saraakiishu sheegeen in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-shabaab.
Saraakiisha Amaanka ayaa intaa ku daray in saacadihii ay ku guda-jireen howlgallada ay fashiliyeen ilaa laba qarax,sidoo kalena ay
wadaan baaritaano kale oo ku aadan sugida amniga iyo sidoo looga hortegi
lahaa falal amnidarro oo ka dhaca Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.
Sidoo kale magaalada Dhuusa-Mareeb waxaa ku sugan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo saraakiil ka socota Wasaaradda Difaaca dalka Qatar, iyada oo ku howlan dhisida Ciidamadii Ahlusunna ee ku biiray Dowladda Federaalka.
\C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]