3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 14, 2019
Guddoonka Baarlamaanka oo warbixin ka dhageystay wasiirka qorsheynta


Axad, July, 14, 2019 (HOL)-  Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo ku-xigeenkiisa koowaad  ayaa maanta kullan xog wareysi ah la yeeshay Wasiirka wasaaradda qorsheynta,maalgashiga iyo horumarinta ganacsiga Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirka Qorsheynta, Jamaal Maxamed ayaa guddoonka golaha Shacabka usoo bandhigay Qorshaha wasaaradda qorsheynta, iyadoo la tashi kala sameyneysa dhammaan hay’adaha Dowladda iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

"Wasaaraddu waxay diyaarinaysa shuruuc badan oo la xiriira qorsheynta iyo maalgashiga, qaarkoodna ay gaba gabo marayaan oo uu ka mid yahay sharciga NGO-yada si golaha Shacabka loo horgeeyo." ayuu yiri wasiir Jamaal oo ka warramayay kullanka.

Guddoomiyaha golaha Baarlamaanka, ayaa wasaaradda qorsheynta madaxdeeda uga mahad celiyay la tashiga ay la sameyneyso hay’addaha dowladda , wuxuuna sheegay in goluhu uu diyaar u yahay dedejinta shuruuc walba oo dalka muhiim u ah.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]











Click here
7/14/2019 11:16 AM EST
Axad, July, 14, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa guddoomiyay shirka golaha amniga Jubbaland oo ay ka qeybgaleen xubnaha guddiga amniga iyo mas'uuliyiin kale.

7/14/2019 10:45 AM EST
Axad, July, 14, 2019 (HOL)- Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya ,Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta guddoomiyay shir ay yeesheen guddi hoosaadka golaha wasiirrada ee tubta horumarinta arrimaha bulshada.

7/14/2019 10:11 AM EST
Axad, July, 14, 2019 (HOL)- Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, halkaa oo lagu soo dhaweeyay.

7/14/2019 4:46 AM EST
Axad, July, 14, 2019 (HOL)- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ismiidaamin ah oo goor dhaw ka dhacay degmada DhuusaMareeb kaddib markii qof soo xirtay walxaha qarxa uu isku qarxiyay goob maqaaxi.

7/14/2019 3:04 AM EST
Axad, July, 14, 2019 (HOL)-Marekanka ayaa iskudayaya inuu ku ciqaabo dowladda Turkiga go’aanka ay ku iibsatay gantaallada nidaamka difaaca ee S 400 oo dalka Ruushka lagu farsameeyo, sida uu ku warramay wargeyska Bloomberg ee ka soo baxa Maraykanka.

7/14/2019 2:57 AM EST
Axad, July, 14, 2019 (HOL)-Hay’addaha amniga ayaa kor u qaaday howlgallada ammaanka lagu xaqiijinayo, kaddib weerar ay dad badan ku dhinteen oo Jimcihii ka dhacay magaalada Kismaayo.

7/14/2019 1:34 AM EST
Axad, July, 14, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa markii ugu horeysay goob fagaaro ah ku soo hadal qaaday su'aal in badan ay is-weydiinayeen bulshada ku dhaqan gobolka Hiiraan taasoo ah sababta keenta isbadallada joogtada ah ee lagu sameeyo maamulka gobolka Hiiraan?

7/14/2019 1:08 AM EST
Axad, July, 14, 2019 (HOL)-Madaxweyne Donald Trump ayaa ka baxay heshiiska Niyukleerka ee iran isaga oo ku xumaynaya madaxwaynihii ka horreeyay ee Barack Obama, sida ku cad warqad sir ah oo la soo dusiyay oo uu qoray safiirkii hore ee UK u fadhiyay Washinton.

7/14/2019 12:58 AM EST
Axad, July, 14, 2019 (HOL) -Wasaaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa kulan la qaadatay mas'uuliyiin ka socday shirkadaha u adeega Xujeyda Somaaliyeed ee sanadkaan ku guuleystay inay xujeyda qaadaan.