4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 13, 2019
Markab xoolo ka qaaday Dekadda Berbera oo ku xayiran dekadda Jiidda ee Sucuudi Carabiya

 

Sabti, July, 13, 2019 (HOL)-Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga Somaliland Xasan Maxamed Gaafaadhi ayaa sheegay in markab xoolo siday oo Berbera ka baxay ku xaniban yahay dekada Jidda ee Sucuudiga Carabiyo ka dib markii xukuumada Soomaaliya cadaadis ku saarto in xoolahaasi dib loo celiyo.

Wasiirka ayaa sheegay in xoolahan ay dalbadeen Baanka islaamiga ah,isla markaana uu isagu ballanqaaday inuu xoolahaasi ka dajiyo Sucuudiga, haseyeeshee uu wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Soomaaliya u dhoofay u sucuudiga si uu culays u saaro in xoolahaasi dib loo soo celiyo, taas oo uu ku tilmaamay mid cadaawad ku abuureysa shacabka Somaliland.

Sidoo kale, wasiirku waxa uu sheegay in aanay dekadda Berbera ka dhoofi Karin xoolo aan haysan rusqadda Somaliland, isla markaana kuwo ka dhoofaya xuduudda Lawyo caddo laga qaadayo cashuurtii iyo caafimaadkii laga qaaday jiray kuwii Berbera ka dhoofi jirey, taas oo aanay dib ugu soo noqon Karin marka ay xadka ka talaabaan.

“Waxaad ogtihiin in afar habeen ka hor uu uu dekadda Berbera ka dhoofay Markab siday xoolo oo usii jeeday dekada Jidda Jiidaa ee Sucuudiga Carabiya, wadankaasi uwuxuu ku tagay dalab ka yimid Baanka islaamiga ah ee xoolaha xajka qaadan jirey, waxaanu baanka iyo nimankii Carabta ahaa ee qaadan jirey xooluhu damaanad qaadeen inay xoolahaasi ka dajinayaan dekada Jidda”ayuu yidhi wasiir Gaafaadhi.

Waxaanu intaas ku daray “Dawlada Muqdisho markii ay ka war heshay inuu markabkaasi Berbera ka dhoofo duulaan balaadhan baa la qaaday, wasiirkii wasaarada xanaanada xoolaha Soomaaliya wuxuu u dhoofay Sucuudi Carabiya wuxuu culays iyo dagaal weyn saaray in aan markabkaasi la rogin, markabkaasi illaa hada wuxuu taagan yahay jidda, qoladii markabka raratayna waxay aad ula dagaalamayaan in xoolahooga la celiyo, wasiirka ka socda dawlada Muqdisho wuxuu dagaal ugu jira in aan xoolahaasi la dejin.”

 

“Waxaan ganacsatadda iyo shacabkaba u sheegayaa in aan waraaqda ay xukuumada Somaliland siiso maraakiibt qaada xoolaha mooyee waraaq kale lagu dhoofin Karin xoollo, waad ogtihiin in aan dawldda Soomaaliya Berbera iman Karin oo aan rusqad samayn Karin, cid Xamar tagta oo rusqad ka soo qaadataan aanay Berbera waxba ka rari Karin, waxaanay arrimahani ina tusaysa colaada ay xukuumadaasi Muqdisho u hayso shacabka”ayuu raaciyey hadalkiisa.

Mar kale waxa uu wasiirku ka hadlay xoolaha laga dhoofinayo xadka Lawyo caddo ee loo waddo dekadda Jabuuti , waxaanu yidhi “ waxa kale oo ganacsatada xoolaha usheegayaa in xadka ay xooluhu maraan lagu dhaqmayo sharciga wadanka uga yaallay xoolaha dhoofaya, xoolaha maraya xadka lawyo caddo waxa la marinaya sharcigii marka xooluhu dekada ka dhoofayaan la marin jirey hadii caafimaad ahayd iyo hadii ay cashuur tahayba, marka ay xadka dhaafaana aanay dib ugu soo noqon Karin Somaliland waxaana loo aqoonsanaha xoolo dhoofay”.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.