3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 12, 2019
Dowladda Liibiya oo Faransiiska ka dalbatay inuu sharraxo hub mucaaradka u gacangalay

Jimco, July, 12, 2019 (HOL)– Dowladda Liibiya ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay hub lagu farsameeyay dalka Faransiiska uu u gacan galay mucaaradka.

Hubkan oo ah gantaalada lagula dagaallamo gaadiidka dagaalka iyo diyaaradaha ayaa ciidammada dowladda Liibiya waxaa ay gacanka ku dhigeen bishii hore, markii ay dagaal xooggan mucaaradka la galeen.

Xukuumadda Liibiya ayaa usoo jeedisay Faransiiska inay sharraxaad ka bixiso sida uu hubkaa ku soo gaaray dalka Liibiya, iyo hannaanka uu ugu gacan galay ciidammada uu hoggaamiyo Jen Khaliifa Haftar  oo doonaya inuu awoodda kala wareego dowladda la aqoonsan yahay ee dalkaas.

Wasiirka arrimaha dibadda Liibiya ,Maxamed Dahir Siala  oo arrimo la xiriira hubkan kala hadlay ayaa sheegay inuu ku wargeliyay dhiggiisa dalka Faransiiska sharraaxad inay ka bixiyaan hubka  yaalla Liibiya ee ay leedahay dowladda Faransiiska.

Jen Khaliifa Haftar  , ayaa taageero ka hela dalal  ay ugu horreeyaan Masar iyo Imaaraadka Carabta, kuwaas oo ku riixaya inuu la wareego awooda dalka Liibiya oo muddo qalalaase ku jira.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
7/12/2019 4:55 PM EST
Jimco, July, 12, 2019 (HOL) - Ciidammada amniga ee Jubbaland ayaa ku dadaallaya sidii xasillooni loogu soo dabaali lahaa magaalada xarunta kumeelka u ah maamulka ee Kismaayo, halkaa oo galinkii dambe weerar ku billowday qarax gaari lagu qaadday hotel Madiina (Ex Cascaseey).

7/12/2019 4:04 PM EST
Jimco, July, 12, 2019 (HOL) - Guddoonka labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goor dhow shir jaraa'id oo ay wadajir u qabteen ku shaaciyay in laga heshiiyay khilaaf u dhaxeeyay.

7/12/2019 3:29 PM EST
jimco, July, 12, 2019 (HOL)-Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ee xaruta gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in dadkii caawa ku dhintay weerarradii iyo qaraxyadii lagu qaaday Hotelka Cascaseey ay mid noqotay Wariye Hodan Naaleeye.

7/12/2019 1:58 PM EST
Jimco, July, 12, 2019 (HOL)– Dowladda Turkiga ayaa markii u horreysay shaaca ka qaaday inuu dalkeeda soo gaaray gantaalaha difaaca ee S-400, sida laga soo xigtay wasaaradda Difaaca.

7/12/2019 1:53 PM EST
Jimco, July, 12, 2019 (HOL) - Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in wali laga maqlayo hoteel Cascaseeey ee weerarka lagu qaaday rasaas goosgoos ah oo ay is weydaarsanayaan kooxo hubeysan ee ciidamada Jubbaland.

7/12/2019 1:30 PM EST
Jimco, July, 12, 2019 (HOL)– Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ,Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Gaalkacyo kulamo kula qaatay odayaasha u xil saaran adkeynta nabadda iyo is-dhex galka bulshada ku nool waqooyiga iyo koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

7/12/2019 12:23 PM EST
Jimco, July, 12, 2019 (HOL)– Ugu yaraan saddex qof ayaa ku geeriyootay , tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen weerar ku billowday qarax gaari oo ka socda hoteelka Cascaseey ee magaalada Kismaayo.

7/12/2019 11:59 AM EST
Jimco, July, 12, 2019 (HOL)–Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya inuu halkaa ka dhacay qarax xooggan.

7/12/2019 7:10 AM EST
Jimco, July, 12, 2019 (HOL)– Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku wareejisay guddiga dib u dhiska garoonka cayaaraha Cawaale ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo dhaqaalo ka qeybqaadanaya dhammeystirka garoonka, sida laga soo xigtay xubno guddiga ka mid ah.

7/12/2019 7:04 AM EST
Jimco, July, 12, 2019 (HOL)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Maanta oo Jimce ah waxa uu kulan gaar ah la qaatay safiirka Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Amb, Donald Yamamoto.

7/12/2019 6:53 AM EST
Jimco, July, 12, 2019 (HOL)– Golaha milatariga ee dalka Suudaan, ayaa sheegay inuu dhacay isku day afgembi oo laga hortagay.

7/12/2019 4:50 AM EST
Jimco, July, 12, 2019 (HOL)-Wararka ka imanaya gobolka Jubadda Hoose ayaa sheegaya in deegaanka Kulbiyoow oo ku yaalla xadka hala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya ee Gobolkaasi ay ku dagaalameen Ciidamada Jubbaland iyo Ururka Al-Shabaab.

7/12/2019 1:38 AM EST
Jimco, July, 12, 2019 (HOL)–Ugu danbeyntii waxaa la soo afjaray ku dhawaad bil khilaaf siyaasadeed oo ka taagnaa maamulka gobolka Hiiraan kaa oo ka dhashay xil ka qaadistii madaxweynaha dowladda gobolka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare uu ku sameeyay guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.