Mas’uuliyiinta Wasaaradda Dastuurka oo warbixin siiyay xubno ka tirsan Madaxtooyada Qaranka
Khamiis, July, 11, 2019 (HOL) -Agaasimaha Guud ee
Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo ay wehliyaan La-taliyayaal iyo
Agaasime-waaxeedyo katirsan Wasaaradda Dastuurka ayaa maanta kulan la yeeshay
Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka oo ay wehliyaan Agaasime-waaxeedyo
katirsan Mdaxtooyada Qaranka iyo qaar kamid ah La-taliyayaasha Madaxweynaha
JFS.
Ujeedka kulanka ayaa ahaa mid warbixin iyo xog ku
saabsan arrimaha dastuurka lala wadaagayay masuuliyiinta Madaxtooyada Qaranka.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka
Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr ayaa jeediyay warbixin ku saabsan howlihii
Wasaaradda u qabsoomay, qorshaha Wasaaradda iyo caqabadaha ku hor-gudboon
dhameeystirka Dastuurka.
Agaasime Maxamed Zubeyr ayaa sheegay in qodobada
dastuurka ee u baahan wax-kabadal arrimo farsamo ah la soo dhameeystiray balse
ay weli wax ka qabasho u baahanyihiin qodobada arrimaha siyaasadda. Sidoo kale
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa sheegay in Wasaaradda ay
dedaal badan ku bixisay arrimaha wacyi-gelinta iyo waxbarashada madaniga ah ee
dib-u-eegista dastuurka.
Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane
Nuur Fuudsade ayaa soo jeediyay in xooga la saaro arrimaha wacyigelinta oo
dadka aad loo fahansiiyo micnaha dastuurka iyo muuhimadda uu leeyahay, waxuuna
ballanqaaday in Madaxtooyada ay garab istaagi doonto Wasaaradda si looga
mira-dhaliyo howlaha dhameeystirka dastuurka.
Ugu dambayn, waxaa la isku raacay in kulanka
noocan oo kale ah la joogteeyo si Madaxtooyada Qaranka ay xog-ogaal uga noqoto
howlaha dib-u-eegista Dastuurka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]