3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 22, 2019
Shirweynaha Qaran ee Isdhex-galka Ganacsiga u dhaxeeya Soomaaliya iyo Finland oo Muqdisho ka furmay

 

Talaado, Janaayo, 22, 2019 (HOL) – Shirweynahaan Qaran ee isdhaxgalka ganacsiga oo u dhaxeeya ganacsatada Dalalka Soomaaliya iyo Finland ayaa daba socday mid kan ka horeeyay, kaasi oo lagu qabtay magaalada Helsinki ee dalka Finland, waxaana hogaaminayey Wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha XFS oo ay wehlinayeen Wasaaraddaha Qorsheynta iyo Maaliyadda.

Shir weynahaan Qaran ayaa waxaa isugu yimid in ka badan 14 shirkadood oo ka socday dalka Finland iyo kuwa kale oo matalayey Soomaaliya, waxaana Shirkaan inta badan diirada lagu saari doonaa muddo laba maalin ah ee uu socon doono ganacsiga Tignoolajiyadda sida korontada , beeraha iyo caafimadka oo qeyb ka ah waxyaabaha dalkeena  baahida weyn uu u qabo, sidoo kale waxaa soo saarka dalka ayaa qeyb ka ah Waxyaabaha laga hadli doono.

Yuusuf Maxamed  oo ka mid ah Ganacsatada Shirkan ka qeyb galay ayaa sheegay in sawirkii ay ka heysteen Soomaaliya uu yahay mid ka duwan, islamrkaana nabada ka jirta Soomaaliya ay tahay mid lagu dhiso karo isdhaxgal ay sameyn karaan ganacsatada Soomaalida iyo Finland.

Wasiirka Qorsheynta iyo Hormarinta dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in Dawladda Soomaaliya ay albaabada u fureyso shirkadaha Ganacsiga ee Dalka Maalgashanayo.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa dhankiisa sheegay in Wasaaradda Ganacsiga ay xoogga saareyso siddii Suuq loogu heli lahaa Wax soosaarka dalka.

Suuq geynta Awoodda dhaqaallaha ee Soomaaliya ayaa Muhiim u ah Horumarka dalka uu ku talaabsaday, si uu wax ula qeybsado Shirkadaha waa weyn ee Dunida.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
1/22/2019 3:19 PM EST
Talaado, Janaayo, 22, 2019 (HOL) – Jaamacadda SIMAD ayaa daahfurtay Dr. Sumait Hospital oo ah isbitaal casri ah looguna talagalay in uu Umadda Soomaaliyeed ka haqab tiro adeegyada caafimaadka ee ay u baahanyihiin, sidoo kalena uu ardayda Jaamacadda SIMAD gaar ahaan ardayda Kulliyadda Caafimaadka u noqdo xarun sare u qaada cilmiga caafimaadka oo ay jaamacadda ka bartaan.

1/22/2019 12:27 PM EST
Talaado, Janaayo, 22, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee ay dalalka Masar iyo Indonesia usoo magacaabeen Soomaaliya

1/22/2019 10:18 AM EST
Talaado, Janaayo, 22, 2019 (HOL) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa wasiirada waxaana hadda ka socda xarunta madaxtooyada Hirshabelle ku dhowaaqista golaha cusub ee Wasiirada.

1/22/2019 8:46 AM EST
Talaado, Janaayo, 22, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta horgeeyey Golaha Wakiillada Puntland codsi muddo kororsi ah oo ku saabsan magacaabidda Golaha Xukuumadda Puntland, muddada uu Madaxweynuhu ka codsaday Golaha Wakiillada Puntland ayaa dhammayd 14 cisho.

1/22/2019 6:42 AM EST
Talaado, Janaayo, 22, 2019 (HOL)-Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa cambaareysay burburinta soo noqnoqotay ee loo geysanayo xarumaha shirkadaha isgaarsiinta dalka Soomaaliya, gaar ahaan xuduudda nagala dhexeysa dalka Kenya

1/22/2019 6:36 AM EST
Talaado, Janaayo, 22, 2019 (HOL)-Madaxweyne Muuse Biixi ayaa xafiiskiisa ku qaabiley wakiilka cusub ee Itoobiya u joogi doonna Somaliland Amb:Shamsudiin Axmed Rooble.

1/22/2019 5:59 AM EST
Talaado, Janaayo, 22, 2019 (HOL)- Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax khasaare sababay oo goor dhaw ka dhacay magaalada Muqdisho.

1/22/2019 4:57 AM EST
Talaado, Janaayo, 22, 2019 (HOL)-Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in howlgal ka sameeyeen gobolka Bakool lagu soo xiray saddex ruux oo ka tirsan saraakiisha qeybta Amniyaadka Ururka Al-shabaab.

1/22/2019 1:18 AM EST
Mu’tamarka sanadlaha ah ee sanad walba uu qabto Madina Islamic Center ayaa usbuucaan ka dhacay magaaladan Salt-Lake City, ee gaobolka Utah. Kulankan ayaa lagu maamuusay soo dhawente Sh. Mohamed Abduba Dida oo laba jeer u tartamay xilka madaxweynaha ee dalka Kenya kana gaaray heer sare.

1/22/2019 12:45 AM EST
Talaado, Janaayo, 22, 2019 (HOL) –Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta dowlad gobolleedka Hirshabeelle ayaa sheegaya in howlgal xalay halkaa ka sameeyeen ciidamada Amaanka lagu soo qab qabtay ganacsato ku eedeysan in ay taageeraan Al-shabaab.

1/22/2019 12:32 AM EST
Talaado, Janaayo, 22, 2019 (HOL)–Wasiirka Wasaarradda Ganacsiga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in inta badan ganacsatada Soomaaliyeed lacago sida uu hadalka u dhigay naftooda ku furanayaan siiyaan Ururka Al-shabaab

1/22/2019 12:16 AM EST
Talaado, Janaayo, 22, 2019 (HOL) – Odayaasha dhaqanka iyo Waxgaradka deegaannada Koonfur Galbeed ayaa wali si is daba joog u dalbanaya in sida ugu dhaqsiyaha badan loo sii daayo Mukhtaar Rooboow Abuu-Mansuur oo ku jira gacanta dowladda.