4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 20, 2019
Wariyeyaal ka hawlgalla Wasaarada Warfaafinta Somaliland oo lagu eedeeyey inay baraha bulshadda wax ku qoreen

 

Axad, Janaayo, 20, 2019 (HOL) – Suxufiyiin ka hawlgalla wasaarada warfaafinta Somaliland ayaa lagu eedeeyey inay baraha bulshada qaarna wax ka dhan ah xukuumada ku qoreen, qaaar kalena Like ama Comment ama share ku sameeyeen qoraallo.

Wariyeyaashan waxa maanta u yeedhay guddida anshaxa ee wasaaradda warfaafinta, waxaanay su’aallo ka waydiiyeen ujeedada ay qoraalo ay qoreen uga jeedeen, halka kuwo kalena wax laga waydiiyey qoraalo durayo xukuumadda ugu sameeyeen Like ama share.

Wariyeyaasha maanta guddida anshaxa ee wasaaradda la kulantay waxa ka mid ahaa Cabdicasiis Maydhax, Mubarak Cabdi Yuusuf,Muna Ibrahim Dhakhtar, Nasiim Maxamed Muuse, Saciid Cagjar iyo Nuura Maxmed Nuur.

Waa markii ugu horeysay ee wariyeyaal wasaarada ka shaqeeya wax laga waydiiyo qoraalo ay soo dhigeen baraha bulshada ee ay isticmaalaan, waxaana la sugayaa go’aanka ka soo saaraan guddida anshax marintu.