3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 20, 2019
Wasiir hore oo sheegay in uu cunay lacago ka badan mishaarkii uu xaqa u lahaa

 

Axad, Janaayo, 20, 2019 (HOL)–Wasiirkii hore ee Boosatada iyo Isgaarsiinta Somaliland Maxamed Jaamac Abgaal oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in cudurro kala duwan uu ka qaaday lacago ka badan mishaarkiisa oo uu cunay muddadii  uu xilka hayay.

Mar uu ka hadlay sababta uusan u dooneynin in uu xil danbe ka qabto Somaliland ayuu yiri’’ Annigu wax la qariyo ma’aqaan, xanuunno aan ka qaaday tii hore ayaan dawadoodii la tacaalayaa, maxaa yeelay waxaa lagu leeyahay xil wasiir ayaa heysaa, mishaarkaagu marka leysku dardaro waa wax la eg $ 1500 oo dollar, kaddibna waxaa lagu dhiibiyaa miisaaniyada ay ku qoran yihiin lacago la doonayo in howlo gaar ah lagu qabto, lacagta intaa la egna marka aad eegto xaalada wadanka iyo baahida jirta dee’ kuma kaafiyeeyso’’ ayuu yiri Wasiirkii hore ee Boostada.

Wuxuu intaa ku darray in markii uu iska shakiyay caafimaad ahaa u tagay dhakhtar ‘’ Markaan sannad shaqeeyay waaban xanuunsaday dhakhtar baan tagoo dhakhtarkii wuxuu i yiri kalliduu dhagax kaaga jiraa yaabay, dabadeedna sannadkii labaad waan xanuunsaday dhakhtar baan tagoo wuxuu igu yiri dhiig-kar baad qabtaa, sannadkii saddexaad baan shaqeeyay waan xanuunsaday dhakhtarkii baan tagay dabadeedna wadnihii ayaaban sidiisii u shaqeynayn, macnuhu waxaa weeye wax ka badan mushaharkii laguu qorey ayaa ku soo galay waa xaaraan dee, waar xaaraantii hore illaahay ha iga cafiyo xanuunadii iyo dhibaatadii aan ka qaadey ayaan mashquul ku ahay”

Wuxuu Alle weydiistay in uu ka cafiyo sida uu hadalka u dhigay lacagihii hore ee xaaraanta ahaa ee soo gallay ama uu cunay’’ Xil danbe oo aan loo heyn dhaqaale kugu filan oo aad ku shaqeyso annigu diyaar uma ihii ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Waa siyaasigii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo sheega in muddadii uu xilka hayay uu qaatay ama cunay lacago ka badan sida uu hadalka u dhigay mishaarkiisa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
1/20/2019 10:59 AM EST
Axad, Janaayo, 20, 2019 (HOL)–Suxufiyiin ka hawlgalla wasaarada warfaafinta Somaliland ayaa lagu eedeeyey inay baraha bulshada qaarna wax ka dhan ah xukuumada ku qoreen, qaaar kalena Like ama Comment ama share ku sameeyeen qoraallo.

1/20/2019 7:27 AM EST
Axad, Janaayo, 20, 2019 (HOL)- Diyaaradaha qaadka ayaa maalintii afaraad ka deggin Puntland , kaddib markii uu sameeyey go'aan madaxwaynaha cusub ee Puntland uu ku joojiyay canshuur dhaafka loo sameeyo ganacsatada oo qaadka uu ka mid yahay canshuur dhimista la samayn jiray.

1/20/2019 7:01 AM EST
Axad, Janaayo, 20, 2019 (HOL)- Cabdul Ra’uuf Al-muztasib , oo ah Falastiini deggan magaalada Hebron ee galbeedka daanta Galbeed ee dhulka reer Falastiin ayaa ka diidday Israa’iili doonayay inuu gurigiisa uu uga iibiyo boqol milyan oo doollarka Mareykanka.

1/20/2019 3:49 AM EST
Axad, Janaayo, 20, 2019 (HOL)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee ka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Kulan gaar ah la qaatey Guddi Ka socda Golaha Odayaasha dhaqanka ee koonfur Galbeed

1/20/2019 1:16 AM EST
Axad, Janaayo, 20, 2019 (HOL)-Madaxweyne Trump ayaa shaaciyay hindiseyaal cusub oo ku saabsan gidaarkii uu doonayay in uu ku kala xiro xudduudaha waddamada Mareykanka iyo Mexico.

1/20/2019 12:42 AM EST
Axad, Janaayo, 20, 2019 (HOL)- Taliska Mareykanka ee Africom ayaa war ka soo saaray saartay duqeymihii shalay ka dhacay degaanka Baar-Saguuni waxaana ay sheegtay in duqeymahaasi lagu dilay xubno badan oo ka tirsan dagaalyahanadda Al-shabaab.