3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 20, 2019
Diyaaradaha qaadka oo aan ka deggin Puntland

Axad, Janaayo, 20, 2019 (HOL)- Diyaaradaha qaadka ayaa maalintii afaraad ka deggin Puntland , kaddib markii uu sameeyey go'aan madaxwaynaha cusub ee Puntland uu ku joojiyay canshuur dhaafka loo sameeyo ganacsatada oo qaadka uu ka mid yahay canshuur dhimista la samayn jiray.

Waxaa la arkayay qaar ka mid ah goobaha lagu iibiyo qaadka ee ku yaalla magaalada Boosaaso oo xiran, balse taas kama reebin deegaannada Puntland inuu soo gaaro qaadka, oo gaadiid ayaa maalmihii u dambeeyay ka keennayay koonfurta magaalada Gaalkacyo iyo magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Ganacsatada soo dejin jirtay qaadka ayaa qaar ka mid ah waxaa ay ku suganyihiin magaalada xarunta ah ee Garoowe,iyagoo doonaya madaxweynaha cusub inay kala hadlaan sidii wax looga baddeli lahaa go'aanka lagu joojiyay canshuur dhafka.

Qaadka ugu badan waxa uu Puntland uga yimaadda dalka Kenya, halka oo ay diyaarado ka keenan, kuwaas oo garsiiya dhammaan magaalooyinka waa weyn.

Waxaa jira dad soo dhaweeyay go'aanka madaxweynaha ee sababta u noqday inaysan ka soo deggin Puntland diyaaradihii qaadka keeni jiray, iyagoo xata ku baaqay in canshuur dheerad ah laga qaado gaadiidka qaadka soo galinaya, taas oo jirta ayaa haddana dad kale waxaa ay cambaareeyeen go'aanka madaxweynaha.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]











Click here
1/20/2019 10:59 AM EST
Axad, Janaayo, 20, 2019 (HOL)–Suxufiyiin ka hawlgalla wasaarada warfaafinta Somaliland ayaa lagu eedeeyey inay baraha bulshada qaarna wax ka dhan ah xukuumada ku qoreen, qaaar kalena Like ama Comment ama share ku sameeyeen qoraallo.

1/20/2019 10:01 AM EST
Axad, Janaayo, 20, 2019 (HOL)–Wasiirkii hore ee Boosatada iyo Isgaarsiinta Somaliland Maxamed Jaamac Abgaal oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in cudurro kala duwan uu ka qaaday lacago ka badan mishaarkiisa oo uu cunay muddadii uu xilka hayay.

1/20/2019 7:01 AM EST
Axad, Janaayo, 20, 2019 (HOL)- Cabdul Ra’uuf Al-muztasib , oo ah Falastiini deggan magaalada Hebron ee galbeedka daanta Galbeed ee dhulka reer Falastiin ayaa ka diidday Israa’iili doonayay inuu gurigiisa uu uga iibiyo boqol milyan oo doollarka Mareykanka.

1/20/2019 3:49 AM EST
Axad, Janaayo, 20, 2019 (HOL)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee ka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Kulan gaar ah la qaatey Guddi Ka socda Golaha Odayaasha dhaqanka ee koonfur Galbeed

1/20/2019 1:16 AM EST
Axad, Janaayo, 20, 2019 (HOL)-Madaxweyne Trump ayaa shaaciyay hindiseyaal cusub oo ku saabsan gidaarkii uu doonayay in uu ku kala xiro xudduudaha waddamada Mareykanka iyo Mexico.

1/20/2019 12:42 AM EST
Axad, Janaayo, 20, 2019 (HOL)- Taliska Mareykanka ee Africom ayaa war ka soo saaray saartay duqeymihii shalay ka dhacay degaanka Baar-Saguuni waxaana ay sheegtay in duqeymahaasi lagu dilay xubno badan oo ka tirsan dagaalyahanadda Al-shabaab.