3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 20, 2019
Khilaafkii Trump iyo xisbiga dimuquraadiga oo cirka isku sii shareeray

 

Axad, Janaayo, 20, 2019 (HOL)- Madaxweyne Trump ayaa shaaciyay hindiseyaal cusub oo ku saabsan gidaarkii uu doonayay in uu ku kala xiro xudduudaha waddamada Mareykanka iyo Mexico.

Hindesiyaashani cusub ayuu uga gol-leeyahay sidii loo soo afjari lahaa hakadka ku yimid hawlaha qaar ee dowladda Mareykanka oo xirnaa muddo ka badan afar usbuuc.

Trump ayaa sidoo kale u muuqda in uu ka soo debcay mowqifyadii adkaa ee uu ka taagnaa dadka muhaajiriinta ahi, gaar ahaanna kuwa iyaga oo da'yar sharcidarro lagu geeyay Mareykanka balse wali waxa uu dalbanayaa ku dhawaad lix bilyan oo doolar oo uu doonayo in lagu kharash gareeyo dhismaha gidaarka uu doonayo in lagu kala xiro Mareykanka iyo Mexico.

Xildhibaanada xisbiga Dimuquraadiga ayaa ku gacan seyray dalabka Trump ee ah in uu dhaqaale u helo dhismaha gidaarkaasi. Hakadka ku yimid hawlaha qaar ee dowladda ayaa saameeyay 800,000 oo qof oo ah shaqaalaha dowladda dhexe.

Trump oo ka hadlayay Aqalka Cad ee Mareykanka looga arrimiyo ayaa sheegay in muddo saddex sano ah oo dheeraad ah loo ogolaanayo in ay Mareykanka sii joogaan oo ay ka shaqeystaan muhaajiriinta iyaga oo da'yar sharcidarro lagu keenay gudaha Mareykanka.

Dadkani ayaa hadda aanan waddanka laga musaafurin karin isla markaana loo ogol yahay in ay waddanka ka shaqeystaan balse aanan loo ogolayn in ay qaadaan dhalashada Mareykanka.

Madaxweyne Trump ayaa isku dayay in muhaajiriintani markii hore Mareykanka sharcidarrada ku galay dalka laga musaafuriyo.

Trump ayaa sidoo kale sheegay in dadka soogalootiga ahi ee sida kumeel gaarka ahi loogu ogolaaday in ay dalkaasi ku sii noolaadaan uu siinayo muddo kordhin saddex sano ah.

Inkabadan 300,000 oo qof oo ka kala yimid waddamada ay colaaduhu ragaadiyeen ayaa haatan si ku meel gaar ah loogu ogol yahay in ay ku noolaadaan isla markaana ka shaqeystaan gudaha Mareykanka, waxaana madaxweyne Trump uu in muddo ah doonayay in dadkaasi dalka laga musaafuriyo.

Warbixin qoraal ah oo ay soo saartay guddoomiyaha aqalka Kongareeska, Nancy Pelosi, oo ka tirsan xisbiga Dimuquraadiga ayaa lagu sheegay in qorshaha Trump uu yahay mid aan la aqbali karin oo horeyba loo diiday isla markaana uusan daacad ka ahayn.

Xigasho BBC 

 

 

 













Click here
1/20/2019 10:59 AM EST
Axad, Janaayo, 20, 2019 (HOL)–Suxufiyiin ka hawlgalla wasaarada warfaafinta Somaliland ayaa lagu eedeeyey inay baraha bulshada qaarna wax ka dhan ah xukuumada ku qoreen, qaaar kalena Like ama Comment ama share ku sameeyeen qoraallo.

1/20/2019 10:01 AM EST
Axad, Janaayo, 20, 2019 (HOL)–Wasiirkii hore ee Boosatada iyo Isgaarsiinta Somaliland Maxamed Jaamac Abgaal oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in cudurro kala duwan uu ka qaaday lacago ka badan mishaarkiisa oo uu cunay muddadii uu xilka hayay.

1/20/2019 7:27 AM EST
Axad, Janaayo, 20, 2019 (HOL)- Diyaaradaha qaadka ayaa maalintii afaraad ka deggin Puntland , kaddib markii uu sameeyey go'aan madaxwaynaha cusub ee Puntland uu ku joojiyay canshuur dhaafka loo sameeyo ganacsatada oo qaadka uu ka mid yahay canshuur dhimista la samayn jiray.

1/20/2019 7:01 AM EST
Axad, Janaayo, 20, 2019 (HOL)- Cabdul Ra’uuf Al-muztasib , oo ah Falastiini deggan magaalada Hebron ee galbeedka daanta Galbeed ee dhulka reer Falastiin ayaa ka diidday Israa’iili doonayay inuu gurigiisa uu uga iibiyo boqol milyan oo doollarka Mareykanka.

1/20/2019 3:49 AM EST
Axad, Janaayo, 20, 2019 (HOL)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee ka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Kulan gaar ah la qaatey Guddi Ka socda Golaha Odayaasha dhaqanka ee koonfur Galbeed

1/20/2019 12:42 AM EST
Axad, Janaayo, 20, 2019 (HOL)- Taliska Mareykanka ee Africom ayaa war ka soo saaray saartay duqeymihii shalay ka dhacay degaanka Baar-Saguuni waxaana ay sheegtay in duqeymahaasi lagu dilay xubno badan oo ka tirsan dagaalyahanadda Al-shabaab.