4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 19, 2019
Booliska Kenya oo xiray Xaaska iyo Aabbaha ninkii isku qarxiyay hotelka Dusit ee Nairobi

Sabti, Janaayo, 19, 2019 (HOL)-  Booliska Kenya ayaa laga soo xigtay in la xiray xaaska iyo Aabbaha dhalay ninkii isku qarxiyay weerarkii Talaadadii la soo dhaafay lagu qaaday dhismaha DusitD2  ee magaalada Nairobi, kaddib howlgal ay ciidanka amniga ka fuliyeen magaalo xeebeedka Mombasa.

Mahir Khalid oo la sheegay inuu ahaa qofkii isku qarxiyay afaafka hore ee dhismaha DusitD2 ayaa Aabbihii Khalid Riziki iyo xaaskiisa waxaa su’aallo weydiinnaya kooxaha baaraya weerarkii DusitD2.Booliska ayaa waxa ay sheegeen in xaaska Mahir oo magaceeda lagu sheegay Suhaila Mwalim Bakari ay xiriir toos ah la lahayd Mahir kahor weerarkii Talaadaddii.

Ninka isku qarxiyay dhismaha DusitD2   ee Mahir Khalid oo 25 jir ah  , ayaa ku dhashay kuna soo barbaaray magaalada Mombasa,waxana uu ka soo laabtay dalka Soomaaliya 13kii bishan kaddib markii uu tababbar muddo sannad ah soo qaatay,sida ay Booliska Kenya sheegayaan.

Mahir,ayaa isku qarxiyay bannaanka 'Secret Garden' qaybta hoose ee la fariisto dhismaha DusitD2, ka hor inta aysan afar dagaalyahan oo hubeysan aysan gudaha u galin dhismaha oo dadka u toogan sida aan kala sooca lahayn.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]