4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 19, 2019
Mas'uul ka tirsanaa maamulka degmada Howl-wadaag iyo Nin dhalinyaro ah oo lagu dilay Muqdisho

 

Sabti, Janaayo, 19, 2019 (HOL)- Rag hubeysan ayaa goor dhaw oo maanta ah ku dilay magaalada Muqdisho mas'uul ka tirsanaa maamulka degmada Howl-wadaag iyo Nin dhalinyaro ah oo la socday

Axmed Maxamed Nuur Abiikar (Axmadey Shiiqaal)  oo ah marxuumka la dilay ayaa ahaa guddoomiye waaxeed ka tirsanaa maamulka degmada Howl-wadaag waxaa toogasho dilay dhalinyaro hubeysan oo sidoo kalana toogasho ku dilay Nin dhalinyarro ah oo sida la sheegay la socday guddoomiye waaxeedka.

Dableyda dilka geystay ayaa isaga baxsaday goobta ay dilka ka geysteen, waxaana goobta uu dilka ka dhacay gaaray ciidamada ammaanka oo halkaasi ka bilaabay baaritaano ay ku baadi goobayaan dableyda dilka geystay oo Biskoolado ku hubeysnaa.

Dilkan ayaa imaneya xili sidoo kale kooxo hubeysan toogasho ku dishay guddoomiyihii ururka dhalinyarrada degmada Hodan oo lagu magacaabi jiray Sakariye Hadaafoow.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]