4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 19, 2019
Hay’adda NISA oo sheegtay in ay qabatay hoggaamiye ka tirsan Ururka Al-shabaab

 

Sabti, Janaayo, 19, 2019 (HOL)- Hay’adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay in ciidamada amaanka gacanta ku soo dhigay 18 ka bishaan oo maalinimadii shalay ku beegneed sarkaal sare oo ka tirsanaa Amniyaadka Al-shabaab.

Warkan oo ay hay’adda Nabad sugidda Qaranka ee NISA ku shaacisay boggeeda Twitter-ka, ayaa lagu yiri” Howlgal qorshaysan oo si taxader leh loo fuliyay ayaa Ciidamada Amaanku 18-ka bishaan, ku soo qabteen xubin hogaamiye u ahaa koox amniyaad ah oo ka howlgala magaalada Muqdisho.”

NISA ma aysan bixin xog intaas dheer oo ku saabsan sarkaalkaasi ay soo qabtayn sida ay sheegeen, waxa ayna dhowr mar sidaan oo kale sheegteyn in ay soo qabteyn hogaamiyayaal ka tirsan Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]