Wasiir Cawad “’ Annaga marnaba qorshaheenu ma’aha in aan la kala safanno wadamado aynu saaxiib nahay
Jimco, Janaayo, 18, 2019 (HOL)- Wasiirka Wasaarradda arrimaha dibedda
xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya
marnaba qorshaheedu aheyn in ay la kala safato wadamada siyaasad ahaa isku haya
ee ka wada tirsan Khaliijka.
Wasiirka ayaa sheegay in
markii uu soo ifbaxay go'aankii dowladda Soomaaliya ay ka qaadatay khilaafka dowladdaha
Khaliijka, in ay jireen dowlado markiiba ku colaadiyay Soomaaliya
go’aankaa ay iskeed u qaadatay.
‘’Dowladdaha oo dhan wey noo
siman yihiin dowlad aan dagaalkeeda rabno ma jirto, Sacuudiga ayeeynaan la dagaalsameyn,
Imaaraadka ayeeynaan la dagaalsaneyn, sidoo kale Qatar, laakiin markii aan go’aankan
qaadanay dowladdaha qaar wey ka xumaadeen oo wey nagu colaadiyeen’’ ayuu yiri
Wasiirka oo sheegay in dowladdaha qaar iska dhigayeen in ay dadka jajuubi
karaan.
Laakiin wuxuu sheegay in muddo
kaddib fahminkii dowladdahaas uu soo hagaagay isaga oo tusaale u soo qaatay
dowladda Sacuudiga oo dhowr jeer ay booqasho ku tageen madaxda ugu sareysa
dalka wixii ka danbeeyay go’aankii ay ka qaateen khilaafka dhaxdooda ah.
‘’ Inkastoo aynaan xabadka
isku qaadin oo si dhab ah arinta looga heshiinin, haddana waxaad moodaa in
dowladdaha qaar garwaaqsadeen go’aankeena, Sacuudiga ayaa ka mid ah, oo waad
ogtihiin inta jeer ee uu madaxweynaha tagay, ra’iisal wasaaraha iyo Annigaba
booqanay,hadda ayaa ugu danbeysay oo Wasiirka Warfaafinta uu ka soo laabtay ‘’
ayuu yiri Wasiir Cawad.
Wasiirka ayaa intaa ku daray
in xitaa dowladdaha waaweyn ee reer galbeed iyo Mareykanku ku ixtiraameen dowladda Soomaaliya go’aankii
ay waqtigaa ka qaadatay khilaafka siyaasadeed ee ka dhaxeeyay wadamada
Khaliijka.
‘’Dowladdihii dariska nala
ahaa ee colada nagala dhaxeysay ayaan dooneynaa in aan la heshiinno, sidaa
daraadeed maba jirto sabab dowladdo kale oo aan saaxiib-nahay dagaalkooda u
raadinno,’’ ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Laakiin wuxuu qiray in wali
dowladda Imraaadka aysan ku qancin si la mid ah Sacuudiga go’aanka
dhaxdhaxaadnimada ah.
‘’Imaaraadka ayaad wali moodaa
in ay wax xoogaa dhinacooda ku qanacsaneyn, laakiin iyaguna wey iska soo
daawoobayaan, waayo Annagaba cidna ma dhahno kaaliya oo dowladdaha kale ee aan dariska
nahay ee colaadu naga dhaxeyso nagala safta, sidaa daraadeed ma jirto sabab
annagana naloo dhihi karo’’’ ayuu yiri Wasiir Cawad.
Hadalka Wasiirka ayaa imanaya xili wali uu jiro kala shaki siyaasadeed oo u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka tan iyo wixii ka danbeeyay markii uu soo ifbaxay go'doomintii Qatar ay ku sameeyeen dowladdaha Khaliijku oo ay hor boodayeen Imaaraadka iyo Sacuudiga.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]