3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 18, 2019
Trump oo hakiyay safar ay Nancy Pelosi dibadda ku tegi laheyd khilaafka taagan awgii

 

Jimco, Janaayo, 18, 2019 (HOL) – Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dib u dhigay safar ay gudoomiyaha aqalka Kongarees-ka maalmaha soo socda ku tegi lahayd magaalada Brussels iyo dalalka Afgaanistaan iyo Masar, waxaa uuna go'aankaasi sabab uga dhigay hakinta ku timid qayba ka mid ah adeegyadda dowladda.

"Waxaan hubaa in dib u dhigista xafladan xiriirka dadweynaha ah ay tahay mid munaasab ah'' Madaxweyne Trump ayaa sidaasi ku sheegay warqad uu qoray.

Mrs Pelosi ayaa ugu baaqday Madaxweyne Trump habeenkii Arbacadda in uu dib u dhigo khudbadda sanadlaha ah ee dadweynaha Maraykanka uu u jeediyo marka la fiiriyo ismari waaga siyaasadeed.

Tallaabadan uu Madaxweyne Trump qaaday ayaa ku soo aadaysa maaliinkii 27-aad oo qaar ka mid ah adeegyadda dowladda ay xiran yihiin.

Madaxweynahan ka tirsan xisbiga Jamhuurigga ayaa doonaya in aqalka Kongareeska uu meelmariyoo $5.7bn oo doolar oo ah dhaqaale lagu dhiso darbi dhexmara xadka Mareykanka iyo Mexico, hasayeeshee waxaa arrintaasi diiday Dimuqraadiyiinta.

Dib u dhigista safarka gudoomiyaha Aqalka Wakiillada ee Xisbiga Dimuqraadiga ayaa soo ifbaxday wax ka yar saacad ka hor inta aysan safarkaasi u amba bixin, sida ay ku waramayaan warbaahiinta Maraykanka.

Warqadda safarka lagu joojiyay ayaa waxaa barta bulshada ay ku kulanto ee Twitter soo dhigay, afhayeenka Aqalka Cad Sarah Sanders.

"Waxaan dareemayaa in xilligan hadda la joogo ay wanaagsaan lahayd in aad Washington ila joogtoo oo aan ka wada xaajoonno kana qayb qaadatid dhaqdhaqaaqa lagu xoojinayo ammniga xadka laguna soo afjarayo khilaafka taagan,'' waxaa sidaas warqada ku qoray Mr Trump.

"Waxaan rajeynayaa in mardhaw aan kulmi doono oo aan ugu dambeeyntii eegi doono xududahayaga furan ee khatarta wajahaya ee koonfuurta, inagoo dareen gaar ah siinayna, maalgelinayna siinaynana ahmiyadda amaan ee ay leedahay."

Sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ee looga taliyo dalka Maraykanka ayaa waxaa uu warbaahinta dalkaasi u sheegay in madaxweynaha ay u suuragashay in uu hakiyo safarkii ay Mrs Pelosi iyo wefdi ka socda aqalka Kongareeska ay ku tegi lahayeen dibadda sababtoo ah waxay isticmaali lahayeen diyaarad uu milatariga leeyahay.

Xigasho BBC

.













Click here
1/18/2019 10:41 AM EST
Jimco, Janaayo, 18, 2019 (HOL)- Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta uu dagaal xooggan uu dhexmaray ciidamo Itoobiyaan ah iyo xoogagga Ururka Al-Shabaab.

1/18/2019 9:07 AM EST
Jimco, Janaayo, 18, 2019 (HOL)- Taliska ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa faah faahin ka bixiyay xariga Askari ka tirsanaa ciidamada dowladda oo la sheegay in uu laaluush qaatay.

1/18/2019 6:43 AM EST
Jimco, Janaayo, 18, 2019 (HOL)-Wasiirka Wasaarradda arrimaha dibedda xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya marnaba qorshaheedu aheyn in ay la kala safato wadamada siyaasad ahaa isku haya ee ka wada tirsan Khaliijka.

1/18/2019 4:22 AM EST
Jimco, Janaayo, 18, 2019 (HOL)-Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa ansixiyay hindise sharciyeed u ogolaanayo qaxootiga ku nool dalkaasi inay helaan xuquuq dheeri ah.

1/18/2019 4:12 AM EST
Jimco, Janaayo, 18, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Beydhabo kulan gaar ah kula qaatay madaxweyne ku-xigeenka dowlad gobolleedka Puntland Axmed Karaash oo halkaa u tagay ka qeybgalka munaasabadii caleemo saarka madaxweynaha Koonfur Galbeed.

1/18/2019 12:41 AM EST
Jimco, Janaayo, 18, 2019 (HOL) –Wasiirka ku-xigeenka Wasaarradda Amniga maamulka Koonfur Galbeed Cabdirisaaq Cali Aadan ayaa warbaahinta u sheegay in Al-shabaab ku dhawaad 100 ruux oo rayid ah ka qaafasheen deegaanno ka tirsan gobolka Bakool.