4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 17, 2019
Itoobiya oo sheegtay in ay la dagaallameyso Qaswadayaal hubeysan

 

Khamiis, Janaayo, 17, 2019 (HOL)-Dowladda Itoobiya ayaa Arbacadii Shalay ahayd sheegtay in ay dagaal kula jirto kooxo Hubeysan oo ay ku tilmaantay cadaw lid ku ah ammaanka, kuwaas oo qalalaasa ka wada Galbeedka Gobolka Oromiya.

Dowladda ayaa meesha ka saartay eedeymo kaga yimid mid ka mid ah  shanta garab ee Jabhadda OLF, iyagoo xukuumadda ku eedeeyay inay u  adeegsatay diyaarado dagaal oo duqeyn ka geystay degaannadooda.

Af-hayeen u hadashay Dowladda Itoobiya oo lagu magacaabo, Billene  Aster Seyoum, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay hadalka Saraakiisha  OLF, waxaa ayna sheegtay in ay dowladdu ma’uul ka tahay  ilaalinta nabad  gelyada iyo sugidda amniga Dalka.

Aster Billene, ayaa sheegay in weerarku uu ka dhacay Gobolka Kelem  Wollega , halkaas oo ay saldhigyo ku leeyihiin tababarna ku qaataan  Jabhadda OLF, waxayna Gaashaanka ku dhufatay wararka sheegaya in ay  jiranaan weerarro xagga hawada ah, balse diyaaradaha qumaatiga u kaca ay  u adeegsadeen in ay ku daabulaan ciidamada ka qayb galaya soo celinta  xasilloonida Gobolkaasi.

Waxey ku eeedeysay kooxdan in ay in ay geystaan kufsi, boob  iyo Jid gooyooyin baahsan, taas oo keentay in ay dadani ka bara  kacaan gobolka Oromiya iyo degaannada ku dhow, waxaa ay ugu baaqday in ay  Hubka dhigaan Dowladdana la furaan wada hadal.

Tan iyo intii uu xafiiska la wareegay ra’iisul wasaare Abiy Axmed,  waxaa ay dowladdiisu dagaal kula jirtay Kooxo Hubeysan oo qayb ka ah  Jabhadda OLF oo kaashanaya qas wadayaal abaabulan, kuwaas oo diidaday in  ay debka dhigaan, dowladdana la furaan heshiis iyo wada hadal. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]