3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 17, 2019
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay xoojineyso wada shaqeynta kala dhaxeysa maamul gobolleedyada

 

Khamiis, Janaayo, 17, 2019 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay xoojineyso wada shaqeynta kala dhaxeysa maamul gobolleedyada dalka oo bilihii ugu danbeeyayba uu ka dhaxeeyay khilaaf siyaasadeed.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Beydhabo ka sheegay in xiriirka Dowladda Federaalka iyo  Dowlad Goboleedyadu uu yahay mid ahmiyad weyn u leh daadajinta adeegyada  bulshada, isaga oo intaas ku daray in sanadkan cusub ay ka wada  shaqeynayaan Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada sidii loo  dardargelin lahaa hawlaha hortabinta u leh geeddi-socodka dowladnimada  Soomaaliya.

“Ummadda Soomaaliyeed waxay naga sugayaan inaan uga shaqeyno dantooda guud iyo inaan sharafkoodii u soo celinno. Haddii aan intaas isla fahamno khilaafaad ma imaanayaan. Waxaan rajaynayaa sanadkan in Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada aysan shacabka Soomaaliyeed marnaba ka maqlin in la is haysto.”

“Waxaan wada fahamsannahay annaga oo idil in shacabka Soomaaliyeed ay na wakiisheen oo ay leeyihiin dowlanimadan iyo qarankaba, annaguna aan u nahay adeegayaal ka shaqeeya maslaxooda iyo dantooda guud, sharafkooda iyo karaamadoodana aan soo celinno. Intaas haddii ay mabaadii’ noo tahay ma imaan karto khilaafaad iyo iska hor imaad.”

Waxa uu intaas raaciyay Madaxweynahu in argagaxisada Alshabaab ee caadeystay daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed ay yihiin caqabadda ugu weyn ee ku hor gudban horumarka iyo barwaaqada, isaga oo muujiyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoojineyso dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha nabad-diidka ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulamo gaar ah la yeeshay wufuudda ka socota Dowlad Goboleedyada, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulsho weynta reer Koonfur Galbeed.

Wada shaqeynta dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa muddo dhowr bilood hakad ku jira, tan iyo markii bishii September ee sanadkii hore ay Maamul Goboleedyada kaga dhawaaqeen Baydhabo inay xiriirka u jareen dowladda Federaalka, iyagoo ku eedeeyay faragelin inay ku heyso maamulada qaar iyo in aan la fulin balan-qaadyadii shirarkii horay u dhex maray.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 
 













Click here
1/17/2019 12:35 PM EST
Khamiis, Janaayo, 17, 2019 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulamo wadatashi ah kula qaatay magaalada Baydhabo Odayaasha iyo duubabka dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa ku ammaanay kaalinta ay ka gaysanayaan taabbo gelinta hawlaha nabadeynta iyo dib u heshiisiinta bulshada degaannadaasi.

1/17/2019 12:24 PM EST
Khamiis, Janaayo, 17, 2019 (HOL) – Munaasabad lagu soo bandhigayey liisamada wadida gaadiidka ayaa lagu qabtay wasaaradda Gaadiidka iyo Jidadaka xarunteeda Laascaanood xarunta gobolka Sool.

1/17/2019 11:48 AM EST
Khamiis, Janaayo, 17, 2019 (HOL) –Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxay dab weyn oo goor dhaw qabsadya kaalin shidaal oo ku taala Isgoyska Banaadir meel aan sidaa uga fogeyn xarunta Wasaarradda arrimha dibedda Soomaaliya.

1/17/2019 11:37 AM EST
Khamiis, Janaayo, 17, 2019 (HOL) -Hanti dhawraha qaranka ee Somaliland ayaa baadhitaan maaliyadeed ka bilaabay dawlada hoose ee Hargeysa, waxaanay xidheen xafiisyadii maaliyada si ay u baadheen.

1/17/2019 7:20 AM EST
Khamiis, Janaayo, 17, 2019 (HOL)-Dowladda Itoobiya ayaa Arbacadii Shalay ahayd sheegtay in ay dagaal kula jirto kooxo Hubeysan oo ay ku tilmaantay cadaw lid ku ah ammaanka, kuwaas oo qalalaasa ka wada Galbeedka Gobolka Oromiya.

1/17/2019 6:20 AM EST
Khamiis, Janaayo, 17, 2019 (HOL)-Wafddi uu hoggaaminayo wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale oo ku sugan magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga ayaa la kulmay wasiirka arrimaha gudaha dalkaasi Suleyman Soylu iyagoo ka wada hadlay arrimo badan oo ku saabsan xiriirka labada dhinaca.

1/17/2019 3:39 AM EST
Khamiis, Janaayo, 17, 2019 (HOL)-Dable Xoogga Dalka Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim ayaa loo heystaa dilka Marxuum Ex, Alifle Boliis Salaad Xasan Maxamed dilkaas oo ka dhacay Ex, Kontorool Afgooye 06-bishii 10-aad ee sanadii tagtay.

1/17/2019 3:21 AM EST
Khamiis, Janaayo, 17, 2019 (HOL)-Dowladda Qatar ayaa ku wareejisay dowladda Soomaaliya tiradii ugu badneyd gaadiidka dagaalka oo ay isticmaalaan ciidamada militariga.

1/17/2019 12:44 AM EST
Khamiis Janaayo, 17, 2019 (HOL)-Mulkiilaha Afro Deli Cabdiraxmaan Ciise Kaahin ayaa shalay oo ahayd Arbaco sheegay in ay siin doonaan Qado bilaash ah shaqaalaha u shaqeeya dawladda federaalka oo hakad ku yimi shaqadoodii & mushahaaraadkoodii dawladda dhexe ayna shaqaalahani helaynin wax lacag ah mudadaan.

1/17/2019 12:36 AM EST
Khamiis, Janaayo, 17, 2019 (HOL)-War qoraal ah oo ka soo baxay Ururka Al-shabaab oo looga hadlay weerarkii galabnimadii Tallaadada ay ka geysteen magaalada Nairobi ayaa lagu sheegay in uu ahaa mid jawaab looga dhigay waxa ay ku tilmaantay "hadalka aan xikmadda ku dhisnayn" ee Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu magaalada Al-Quds ugu aqoonsaday inay tahay caasimadda Israel.