4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 16, 2019
Madaxweyne Farmaajo ‘’ Waan soo dhaweynayaa is badalka ku yimid xiriirkii dowladda dhexe iyo dowlad gobolleedyada

 

Arbaco, Janaayo, 16, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeedinayay munaasabadii caleemo saarka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee maanta ka dhacday magaalada Beydhabo, ayaa sheegay in uu jiro is badal u bilaawday xiriirka dowladda dhexe iyo dowlad gobolleedyada.

Madaxweynaha ayaa marka hore u mahad celiyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM oo sugay amaanka xiliyadii lagu guda jiray ololaha doorashada, isaga oo dhinaca kalana u mahad celiyay dhamaanba musharixiintii ka qeybgashay doorashada iyo sida ay u aqbaleen natiijadda.

Madaxweynaha ayaa adkeeyey muhiimadda uu leeyahay xiriirka Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe, isagoona hoosta ka xarriiqay in loo baahan yahay wadashaqayn buuxda, si loo ilaaliyo qarannimada iyo sharafka shacabka Soomaaliyeed.

‘’Waxaan rabaa in aan hoosta ka xariiqo hadalladii ay halka ka sheegeen madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed iyo madaxweyne ku-xigeenka Puntland ee ahaa in uu is badallay xiriirkii dowladda dhexe iyo dowlad gobolleedyada, waayo hal dowlad ayeenu nahay, hal Dad ayeeynu nahay, looma baahna in la yiraahdo cilaaqaadkii ayaan kala goosanay, maxaa yeelay waxa loo shaqeynayo waa shacabka Soomaaliyeed, waxa ku baaba’aya khilaafka labada dhinac waa sharafka iyo sumada umadda Soomaaliyeed’’ ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Munaasabada caleema-saarka ayaa waxa ka soo qayb-galay madax ka socotay goleyaasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka, duubabka dhaqanka, Xildhibaanno iyo Wasiirro heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, wufuud ka socotay Urur-Goboleedka IGAD, Dowladda Itoobiya iyo Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Turkiga.

Dhinaca madaxda dowlad gobolleedyada munaasabada calleemo saarka kama aysan qeybgalin madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Galmudug iyo Jubbaland, laakiin dhinaca Galmudug waxaa joogay madaxweyne ku-xigeenka Maxamed Xaanshi Cabdi Carabey oo ka socday garabka Galmudug ee Cadaado, sidoo kale waxaa ka qeyb-galay madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, wafdi uu horkacayay madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Karaash iyo martisharaf kale.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]