9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 23, 2019
Banaanbax ay soo abaabuleen Ardayda Jaamacadda Qabridahare oo saaka ka bilowday magaalada Qabridahar
 

Isniin, December, 23, 2019 (HOL)-Wararka ka imaanaya magaalada Qabridahare ee degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in saaka Banaanbax nabadaysan uu ka bilowday magaalada Qabridahar, banaanbaxan ayaa waxaa soo abaabulay ardayda wax ka barata Jaamacadda Qabridahare ee Muslimiinta ah, iyagoo ku dhawaaqaya Allahu Akbar.

Haddaba banaanbaxan ayaa ahaa mid dadku ay ku muujinayeen sida ay uga xun yihiin falkii lagula kacay Masaajiddii 4ta ahaa ee maalmihii dhawaa degaanka Axmaarada lagu gubay.

Waa banaanbixii u horeeyay ee noociisa ah ee degaanka ka dhaca, kaas oo dadku ay kaga soo horjeedaan Masaajiddii degaanka Axmaarada lagu gubay, iyadoo maalintii shalay ahaydna dadka reer Jigjiga laga hor istaagay in haba yaraatee isu soo bax sameeyaan.

Hiiraan Online