4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 19, 2018
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo maanta soo gabagabeynaya Dooda arrimaha Amniga

Arbaco, September, 19, 2018 (HOL) –Xildhibaannada golaha shacabka oo labadii maalin ee u dambeysay ka dooday amniga caasimadda Muqdisho iyo guud ahaan dalka ayaa lugu wadaa inay maanta soo gabagabeeyaan doodda.

Labadii maalin ee ay dooda socotey xildhibaannada ayaa si aad ah ugu dhaliilay Xukuumadda inay gabtay mas’uuliyaddii Amniga, isla markaana loo baahan yahay in xukuumadda lagula xisaabtamo.

Xildhibaannada qaar oo shalay hadal jeediyay ayaa dalbanayay in Ra’iisul Wasaaraha uu hor-yimaado Baarlamaanka, si su’aalo looga weydiiyo, waxaana arrintan aheyd mid aad xasaasi u aheyd.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa la filaya inuu soo saaro go’aan ku aadan doodii Xildhibaannada cida ay tahay in wax laga weydiiyo iyo haddii dhaliilaha iyo cabashada loo saarayo Guddi, marka ay maanta hadal jeediyaan 14 mudane.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]