4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 18, 2018
Xildhibaanno ku shiray Dhuusa-Mareeb oo sheegay in ay xilkii ka qaadeen madaxweyne ku-xigeenka Galmudug

 

Talaado, September, 18, 2018 (HOL) – Xildhibaanno maanta ku shiray magaalada Dhuusa-Mareeb ayaa sheegay in ay kalsoonidii kala noqdeen madaxweyne ku-xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Cabdi Xaanshi Carabey oo ku sugan degmada Cadaado.

Xil ka qaadistiisa ayaa la sheegay in ay u codeeyeen 140 xildhibaan oo ka mid ahaa 142 mudane oo soo xaadiray fadhiga sida uu ku dhawaaqay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed.

Arrintan ayaa ka danbeysa khilaafka ba’an ee ka dhax taagan mas’uuliyiinta sar sare ee maamulka Galmudug, oo muuqda kuwo siweyn ugu kala qeybsan habka hoggaaminta iyo siyaasada lagu wado guud ahaan-ba maamul gobolleedka Galmudug.

Xildhibaannada fadhiggoodu yahay degmada Dhuusa-Mareeb ayaa u codeeyay in ay kalsoonidii kala noqdeen guddoomiyihii baarlamaanka iyo madaxweyne ku-xigeenka maamulka, halka xildhibaanno ku shiray Cadaaado oo uu shir guddoominayay Cali Gacal Casir iyagu-na sheegeen in ay kalsoonidii kala noqdeen madaxweyne Xaaf iyo guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka, dhinac kastana marka wax laga weydiiyo sida uu arko xil ka qaadista lagu sameeyay waxaa uu ku sheegayaa in ay tahay mid sharci darro.

Lama oga halka arinta Galmudug ku danbeyn doonto, madaama dhamaan mas’uuliyiintii ugu sareysay maamulka dhinac-ba kan kale uu ku sheegay in kalsoonidii lagala noqday.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]