4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 18, 2018
48 kiis oo kufsi ah ayaa ka dhacay Puntland, xafiiska xeer ilaalinta ayaa soo bandhigay

Talaado, September, 18, 2018 (HOL) – Xafiiska Xeer ilaalinta guud ee Puntland ayaa soo bandhigay kiisaska kufsiga ee la diiwangaliyay Puntland siddeedii bilood ee u dambeysay.

Axmed Xasan oo ka tirsan xafiiska Xeer ilaalinta Puntland, wuxuu sheegay in la diiwaangaliyay 48 kiis oo isugu jira kafsi iyo iskudey kufsi, wuxuu inta ku daray kaliya 17 kiis in xukun laga gaaray.

"Kiisaska 8dii bilood ee u dambeysay  soo maray CID-da , kaddibna yimid xafiis xeer ilaalin, kaddibna u gudbiyay maxkamad waxay gaarayaan 48 kiis, xukun waxaa laga gaaray 17 kiis, waxay noqdeen xukunkoodii 15 sanno illaa iyo 3 sanno inta u dhaxeysa." ayuu yiri Axmed Xasan .

Sanadkii hore Puntland waxaa laga diiwaangeliyay 123 kiis oo kufsi ah, kuwaasoo ka dhacay guud ahaan deegaannada hoos yimaada maamulka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]