3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 17, 2018
Madaxweynaha Galmudug oo sameeyey magacaabis

Isniin, September, 17, 2018 (HOL) –Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Galmudug,Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maamul cusub u magacaabay degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud.

Madaxweyne Xaaf ayaa u magacaabay, guddoomiyaha degmada Balanbale Jaamac Xeyle Maxamed oo mar soo noqday guddoomiyaha degmadaas,halka ku-xigeen loogu magacaabay Cabdirisaaq Axmed Xalane.

Wareegtadan oo ku taariikheysan 15/9/2018 ayaa waxaa lagu sheegay in maamulkaan ay xilka siiheyn doonaan inta laga soo dhisayo Golle deegaan iyo Guddoon ku dhisan doorasho xor ah.


Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
9/17/2018 2:37 PM EST
Isniin, September,17, 2018 (HOL)– Wuxuu ahaa kulan la sii saadaalinayay laakiin xiiso gooni xambaarsanaa kaddib markii madaxweynayaasha dalalka Jabuuti iyo Eritrea Ismaaciil Cumar Geelle iyo Isaias Afwerki kulan ku yeesheen magaaalada Jeddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

9/17/2018 1:02 PM EST
Isniin, September, 17, 2018 (HOL) –Golaha wakiilada Soomaaliya oo maanta yeeshay kulanka labaad ee kalfadhiga afaraad ayaa dood kulul ka yeeshay xaaladda amniga magaalada Muqdisho iyo guud ahaan tan dalka.

9/17/2018 12:43 PM EST
Isniin,September,17, 2018 (HOL)–Guddigan oo qeyb ka ah gudiyo ay mudaneyaasha aqalka sare u saareen xallinta khilaafaadka ka dhex aloosan dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka ayaa maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo ee xarunta gooblka J/hoose.

9/17/2018 11:52 AM EST
Isniin, September, 17, 2018 (HOL) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay,António Guterres ayaa soo dhaweeyay heshiiska nabadda ee hoggaamiyayaasha Itoobiya iyo Ereteria ay Axaddii shalay ku saxiixeen magaalada Jeddah ee dalka dalka Sacuudi Carabiya.

9/17/2018 10:23 AM EST
Isniin, September,17, 2018 (HOL)–Gacan ku dhiigle haweenay ku dilay degmada Ceel-afweyn ayaa maanta lagu wareejiyey maamulka gobolka Sanaag ka dib markii laga soo qabtay gobolka Karkaar ee maamulka Puntland.

9/17/2018 7:14 AM EST
Isniin,September,17, 2018 (HOL)–War Qoraal ah oo ka soo baxay Wasaarradda arrimaha gudaha iyo federaalka dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladdu si dhaw ula socon doonto ilaalinta nidaamka federaaleynta, dhanka kalana waxaa ay ku baaqday in doorashooyinka ku soo foolka leh maamulada dalka ku qabsoomaan waqtiggii loogu talagalay.

9/17/2018 4:40 AM EST
Isniin, September, 17, 2018 (HOL) – Ra'iisul wasaaraha xukuummadda federaalka ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa sheegay in barnaamijka is-xilqaan uu fursad wanaagsan u yahay dib u dhiska dalka iyo wanaajinta dhaxalka jiilka soo koraya.

9/17/2018 4:22 AM EST
Isniin, September, 17, 2018 (HOL) –Taliyihii hore ee ciidanka xoogga Soomaaliya,Jeneral Cabdiweli Jaamac Gorod ayaa isagoo ku sugan magaalada Gaalkacyo wuxuu sheegay madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inay ka go'antahay nabadaynta gobolka Mudug.

9/17/2018 3:57 AM EST
Isniin, September, 17, 2018 (HOL) – Qaar ka mida xildhibaanada Aqalka sare ee loo xilsaaray xallinta khilaafka ka dhex jira maamul gobolleedyada iyo dowladda dhaxe ayaa u ambabaxay goor dhow magaalada Baydhabo ee dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed.

9/17/2018 3:47 AM EST
Isniin, September, 17, 2018 (HOL) –Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya , Axmed Ciise Cawad ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Siihayaha Ergayga Midowga Yurub ee Soomaaliya, Fulgencio Garrido Ruiz.

9/17/2018 3:34 AM EST
Isniin, September, 17, 2018 (HOL) – Magaalo xeebeedka Wilmington ee gobolka North Carolina ayaa gabi ahaanba ka go’day gobolka intiisa kale, waxaana arrintaas sababay daadadka ka sii daraya.

9/17/2018 3:05 AM EST
Isniin, September, 17, 2018 (HOL) –Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimadda Muqdisho,Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa ka dalbaday hoggaamiyayaasha dowlad-gobolleedyada dalka inay u dhega nuglaadaan baaqa madaxweyne Farmaajo.

9/17/2018 2:41 AM EST
Illaa saddex mashruuc ayaa dhismahooda uu ka socda magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, waxaana mashaariicda ay ku dhismayaan isku-tashi bulsho, sida ay mas'uuliyiinta sheegeen.

9/17/2018 2:03 AM EST
Isniin, September, 17, 2018 (HOL) – Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lugu wadaa inay maanta dood ka yeeshan amniga caasimadda Muqdisho, sida u xaqiijiyay xildhibaan la hadlay Hiiraan Online.

9/17/2018 1:47 AM EST
Isniin, September, 17, 2018 (HOL) – Kalluumaysato u dhashay dalka Iiraan ayaa gudaha Soomaaliya u afduuban kooxda al-Shabaab iyo kooxo kala duwan oo lugu sheegay burcad badeed.

9/17/2018 1:16 AM EST
Isniin, September,17, 2018 (HOL)–Wararka ka imanaya magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Africa ayaa sheegaya in kooxo burcad South African ah toogasho ku dileen muwaadin Soomaaliyeed oo waqtigaa ku sugnaa goobtiisa ganacsi deegaanka Phillippi.

9/17/2018 1:10 AM EST
Isniin, September, 17, 2018 (HOL) – Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa galinkii dambe ee Axaddii shalay gaaray magaalada Jeddah ee dalka Sacuudi Carabiya , halkaas oo wada-hadal uu kula yeelanayo dhiggiisa dalka Eritrea.

9/17/2018 12:30 AM EST
Isniin, September, 17, 2018 (HOL) – Dib u dhac ayaa ku yimid shirkii wadatashiga ahaa ee uu madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu isugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada, kaa oo uu qorshuhu ahaa in 17ka bishan oo maanta ku beegan ka furmo magaalada Muqdisho.