4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 17, 2018
Jen. Gorod "Farmaajo waa ka go'an tahay nabadda gobalka Mudug"

Isniin, September, 17, 2018 (HOL) –Taliyihii hore ee ciidanka xoogga Soomaaliya,Jeneral Cabdiweli Jaamac Gorod ayaa isagoo ku sugan magaalada Gaalkacyo wuxuu sheegay madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inay ka go'antahay nabadaynta gobolka Mudug.

"Waxaa la yiro madaxweyne Farmaajo hadduu Gorod ka qaaday xilkii Mudug dan kama leh.. saas ma aha hadduu isoo direy." ayuu yiri Jen. Gorod oo bulshada gobolka u caddeeyay in madaxweynaha ay daacad ka tahay nabadaynta gobolka Mudug.

Taliyihii hore ee ciidanka xoogga Soomaaliya,Jeneral Cabdiweli Jaamac Gorod ayaa muddada uu xilka hayay wuxuu dadaal  ku bixiyay nabadaynta gobolka Mudug, wuxuuna dhisey ciidammo isku-dhaf ah oo si wadajir ah uga howlgalla magaalada Gaalkacyo,  dadaalka oo sababay xaalad deganaasho ah inuu gobolka galo.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]