4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 17, 2018
Magaalo Maraykanka ku taalla oo gabi ahaanba go'doonsan

Isniin, September, 17, 2018 (HOL) – Magaalo xeebeedka Wilmington ee gobolka North Carolina ayaa gabi ahaanba ka go’day gobolka intiisa kale, waxaana arrintaas sababay daadadka ka sii daraya.

Masuuliyiinta ayaa sheegay in dhammaan waddooyinka gala iyo kuwa ka baxa aan la adeegsan karin, dadkii la daad gureeyayna waxaa loo sheegay in ay deegaannadaas isaga dheeraadaan.

Wararka halkaas ka imaanaya ayaa sheegaya in magaaladaas oo ay ku nool yihiin 120,000 in ay noqotay jasiirad gobolka ku taalla.

Dad lagu qiyaasay 400 oo ruux ayaa daadadka laga daad gureeyay, magaalada inteeda badanna waa koronto la’aan.

Waaxda qaran ee saadaasha hawada ayaa ka digtay in ay macquul tahay in daadadku ay sii jiraan labo maalmood oo kale, ka hor inta aysan xaaladdu wanaagsanaanin.

Woody White oo ka tirsan masuuliyiinta deegaanka New Hanover County ayaa dadka ugu baaqay in aysan aagaas isku imaanin.

Xigasho: BBC