4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 17, 2018
Burcad South African ah oo muwaadin Soomaaliyeed ku dishay goobtiisa ganacsi

 

Isniin,September,17, 2018 (HOL)–Wararka ka imanaya magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Africa ayaa sheegaya in kooxo burcad South African ah toogasho ku dileen muwaadin Soomaaliyeed oo waqtigaa ku sugnaa goobtiisa ganacsi deegaanka Phillippi.

Muwaadinka Soomaaliyeed ee la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Yuusuf Xusseen Koonfuroow oo waqtigaa ku sugnaa sida ay warbaahinta u sheegeen eheladiisa ilinka hore ee goobtiisa ganacsi.

Dilalkan ayaa qeyb ka noqonaya weerarro is daba joog ah oo kooxo Burcad South African ah waayadii ugu danbeeyay-ba ku hayeen goobihii ganacsiga Soomaalida, iyo weerarrada inta badan lagu beegsado ganacsatada Soomaaliyeed.

Marka guud ahaan la eego dilalka ugu badan ee ka dhacay dalka Koonfur Africa waxaa lagu beegsadaan ganacsatada Soomaalida ku nool deegaannnada kala duwan ee dalkaasi Koonfur Africa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]