4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 16, 2018
Khayre " Ma soo dhaweynayno in la yiraahdo luguma shiro karo Muqdisho.. ma taageerreyno in la yirahdo daraf saddexaad hana soo dhexgalo"

Axad, September, 16, 2018 (HOL) – Ra'iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo caawa khubad ka jeediyay kulan ka dhacay magaalada Muqdisho, wuxuu markii ugu horreysay ka hadlay diidmada hoggaamiyayaasha dowlad-gobolleedyada ee ah in lugu shiro caasimadda Muqdisho iyo dalabkooda ku aadan in la helo daraf saddexaad oo dhex dhexaadiya dowladda dhexe iyo dowlad-gobolleedyada.

"Waxaanan soo dhaweynayn in la yiraahdo magaalo madaxda dalka luguma shiri karo oo amni ma aha... ma garan karno cidda loogu daneynayo, laakin waxaan rabaa inan xasuusiyo cid walba oo ay ka suurtowdo inay sida tiraahdo inay tahay astaantii qaranka." ayuu yiri ra'iisul wasaaraha Soomaaliya.

" Sidoo kale waxaanan soo dhaweynayn in la yiraahdo daraf saddexaad ha nasoo dhexgalo... daraf saddexaad waa dhaqankii aan soo baranay oo la dhihi jirey ajaanibtu ha u ku kala gar-qaado madaxda Soomaaliyeed - taasi waa la soo dhaafey." ayuu ku sii darey hadalkiisa ra'iisul wasaaraha Soomaaliya.

Khayre, wuxuu sheegay maanta inay ku sugantahay dowladnimada Soomaaliya 'iyadu inay ka shaqeyso inay u ku kala dab-qaado dowladaha dariska ah ' ,wuxuu inta ku daray xukuumadda Soomaaliya inay taageerrayso madaxda Soomaaliyeed oo aan loo dhaxeyn in xal wada-hadal lugu dhameeyo khilaafka jira.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya marna ma uusan soo hadal-qaadin madaxda dowlad-gobolleedyada dalka, balse toddobaadkii hore warmurtiyeed ka soo baxey hoggaamiyayaasha madasha dowlad-gobolleedyada, waxaa ay ku sheegeen inan lugu shiri karin caasimadda Muqdisho,iyagoo u sababeynaya amniga, waxaa kalo ay marka dalbadeen daraf saddexaad oo damaanad  iyo dhexdhexaadisa iyaga iyo dowladda dhexe ee federaalka ah.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]