Hargeysa:Taarikada cusub ee Gaadiidka oo qaybaha kala duwan ee bulshada ka qayliyeen
Axad, September, 16, 2018 (HOL) -Guddida dhaqaalaha ee
golaha Wakiilada, xisbiyadda mucaaradka iyo shacabweynaha reer Somaliland ayaa
si weyn uga biyo diiday taarikadda cusub ee la sheegay in baabuurta laga
bedelayo, taas oo baabuur wal oo numbar cusub ku xidhanaya laga qaadayo lacag
dhan lixdan dollar.
Dadweynahan ayaa sheegay in numarkii hore ee la bedelay
ay hore u iibsadeen, sidaas darteed hadii ay numbar kale lagu bedelaya aan xaq
loogu lahayn in lacag laga qaado, haseyeeshee gaadiidka cusub ee imanaya uun laga
iibiyo sidii awalba looga iibin jirey numbarka, balse qof markii hore
taarikadda baabuurka laga iibiyey in mar kale hadana laga iibiyey aanay ogolaan
doonin.
Sidoo kale, Xildhibaanada golaha Wakiiladda gaar ahaan
guddida dhaqaalaha ayaa iyaguna sharci daro ku tilmaamay lacagtaasi
numbarka cusub dadka lacagta loogu bedelayo.
“hadiii tacriifad la kordhinayo waxa kordhin kara
oo qudha golaha Wakiilada, waana khalad in wasaaraddi iska kordhiso tacriifad
aan golaha soo marin”ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Nacnac .
Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi oo isna arrintaasi ka
hadlaya waxa uu yidhi “Cashuuruhu wax jeebka wasiirka maaliyadda ku jira maaha
ee waa wax umada oo dhan ka dhaxeeya sidaasi darteed madaxweyne qaabkan uu
labada wareegto ee midina tahay gaadiidka midina tahay warshadaha uu
xafiiskaaga u soo galiyay wasiirka maaliyaddu waa qaab aan danta guud ee umada
iyo warshadaha midna u dan aheyn oo aan waafaqsaneyn shuruucda iyo nidaamka
dalka, sidaasi darteed waxaanu kaa codsaneynaa madaxweyne inaad joojiso”
Sidoo kale, waxa iyaguna arrinaasi sharci daro ku
tilmaamay xisbiyada mucaaradka oo sheegay in aanay dadku awoodin in lacagtaasi
lagu kordhiyey taarikadda cusub, waxaanay ku doodeen in qofku lagu qasbin
numbarka cusub, maadaama oo markii gaadhiga iibsanayeen ay hore numbarka u
iibsadeen hadii laga bedelayana lacag la’aan loogu fuliyo adeega.
Guud ahaan bulshada kala duwan ayaa ka qayliyey
taarikadda cusub ee gaadiidkii hore ee numbarka hore watay lagu qasbay inay
bedeleen oo kan dambe iibsadaan.
Wasiirka Maaliyadda Somaliland ayaa iyagu difaacay
sharciyada ay u mareen bedelka taarikadda, waxanay soo qaateen qodobo u
fasaxaya inay bedelaan numbaradii hore.
Barkhad-ladiif M.
Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.