Xildhibaannada Galmudug oo maanta u fariisanaya mooshinka ka dhanka ah madaxweyne ku-xigeenka
Axad, September, 16, 2018 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya magaalada
Dhuusa-Mareeb ee xarunta u ah maamul gobolleedka Galmudug ayaa sheegaya in uu
soconayo qaban qaabada kulan la doonayo in looga dodo mooshin ka dhan ah
madaxweyne ku-xigeenka maamulka Maxamed Cabdi Xaanshi Carabey.
Xildhibaanno gaaraya 97 mudane ayaa maalintii shalay
mooshin ka keenay Madaxweyne kuxigeenka Maxamed Xaashi
Carabey oo ku sugan magaalada Cadaado, waxaana Xildhibaanada ku sugan
Dhuusamareeb ay maanta bilaabayaan dooda ugu horeysa, iyadoo maalinta berrina
cod u qaadaya.
Lama oga in isla maanta ay codka kalsoonida u
qaadayaan madaxweyne ku-xigeenka iyo in kale, hasse ahaatee mooshinka la soo
gudbiyay ayaa ah kalsooni kala noqosho.
Maalintii
shalay xildhibaanno ku shiray Cadaado ayaa sheegay in kalsoonidii kala noqdeen
madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo dhankiisa warka arintaa ku saabsan
beeniyay isaga oo sheegay in Cadaado aysan joogin xildhibaanno kulan yeelan
kara..
Axmed Ducaale Geelle Xaaf
ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka inay faragelin ku heyso Galmudug, isla
markaana ay gadaal ka riixeyso Maxamed Xaashi Carabey iyo Cali Gacal Casir.
Magaalooyinka
Dhuusa-Mareeb iyo Cadaado ayaa fadhi u kala noqotay labada dhinac ee uu
khilaafka u dhaxeeyo, waxaana Galmudug qarka u saaran tahay inay yeelato Labo
Guddoomiye Baarlamaan iyo labo Madaxweyne
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]