Imtixaankii shahaadiga ee dugsiyada sare iyo kuwo Dhexe ee Somaliland oo la shaaciyey
Axad, September,
16, 2018 (HOL) – Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland ayaaa shaaciyey
imtixaankii shahaadiga ee dugsiyada sare iyo kuwo dhexe ee dalka oo dhan.
Gudoomiyaha Imtixaanka qaranka Daa’uud Axmed Faarax ayaa
sheegay inay imtixaanka u fadhiisteen arday ku dhow 27,746 arday, waxaanu
sheegay in ardayda dugsiga sare ee imtixaanka gallay ahayd 9,475 arday, halka
dugsiga dhexe ama fasaladda 8aad ay imtixaanka inay galaan isku diwaangaliyey 18,271
arday.
Dugsiga afraad ee dugsiyada sare waxa imtixaanka gudbay
8,358 arday, halka 1,117 ardayna dhacday.
Dugsiga 8aad ee fasaladda dhexe ee Somaliland waxa
imtixaanka gudbay 16,604 arday, waxaana ka dhacay 1,399 arday, halka 268
ardayna aanay imtixaanka galin oo ay ka habsaameen.
Guud ahaan waxa labada fasal ee dugsiga sare iyo kuwo
dhexe ka dhacay tiro dhan 2,516 arday.
Sidoo kale, waxa lagu dhawaaqay tobanka arday ee
dugsiyadda ugu sareeya, kuwaas oo u badan dugsiyadad gaarka loo leeyahay,
saddexda arday ee ugu sareeya magacyadooduna waa kuwan:
Ardayga ugu sareeya waa Cabdibaasid C/risaaq Cawil oo
keenay 907 dhibcood, waxa ku xiga Cabdiraxmaan Sh. Yaasiin Ibraahi,m 904
dhibcood, C/qani maxamed daa’uud Jaamc 890 dhibcood.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland