3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 16, 2018
Waa sidee xaalada caafimaad xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo qarax lagu dhaawcay

 

Axad, September, 16, 2018 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaliya Xassan Cali Kheyre oo ay wehliyaan xubno ka tirsan guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa xalay ku booqday Isbitaalka Digfeer xildhibaan Maxamed Mursal Booroow oo dhaawac culus ka soo gaaray qarax loogu xiray gaarigiisa.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxu uu siweyn u haleelay qeybaha kala duwan ee jirkiisa, sidoo kalana uu ku waayay sida la sheegay mid ka mid ah gacmihiisa.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sheegay in dowladda ay la socon doonto xaaladda Xildhibaanka, waxaana sidoo kale dhintay darawalkii waday gaarigiisa.

Xildhibaanka ayaa xalay gaari Hilex ah oo uu saarnaa uu ku qarxay xilli uu maraayay Agagaarka Madaxtooyadda Soomaaliya gaar ahaan dhanka Tiyaatarka Qaranka.

Maalmihi ugu danbeeyayba magaalada Muqdisho waxaa sii kordhayay qaraxyada iyo dilalka ay fulinayaan kooxo ka tirsan Ururka Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
9/16/2018 6:56 PM EST
Axad, September, 16, 2018 (HOL) – Ra'iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo caawa khubad ka jeediyay kulan ka dhacay magaalada Muqdisho, wuxuu markii ugu horreysay ka hadlay diidmada hoggaamiyayaasha dowlad-gobolleedyada ee ah in lugu shiro caasimadda Muqdisho iyo dalabkooda ku aadan in la helo daraf saddexaad oo dhex dhexaadiya dowladda dhexe iyo dowlad-gobolleedyada.

9/16/2018 5:50 PM EST
Axad, September, 16, 2018 (HOL) – Amiirka dalka Qadar ,Sheekh Tamim bin Xamad Al Thani ayaa amar ku bixiyay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibadda jooga loo ogalaado si sharci ah inay uga shaqeystaan dalka Qadar,sida u sheegay safiirka cusub ee dowladda Soomaaliya ay dhawaan u magacowday Qadar.

9/16/2018 4:58 PM EST
Axad, September, 16, 2018 (HOL) – Ra'iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed iyo madaxweynaha dalka Eritrea,Isaias Afwerki ayaa Axadda maanta ah ku saxiixay magaalada Jeddah ee dalka Sacuudi Carabiya heshiis nabadeed,kaas oo ka dhigan heshiiskii nabadda labaad ee la gaarey tan iyo bishii Luulyo.

9/16/2018 3:57 PM EST
Axad, September, 16, 2018 (HOL) – Layla Cali Cilmi ayaa taariikh sameysay ka dib markii ay noqotay qofkii ugu horreeyay ee ka soo jeeda bariga Afrika oo ku guulaysta mid ka mid ah kuraasta baarlamaanka dalka Sweden.

9/16/2018 3:46 PM EST
Axad, September, 16, 2018 (HOL) –Guddiga doorashooyinka Sweden wuxuu sheegay in xisbiga talada haya ee Social Democratic uu ku guuleystay codadka ugu badan ee doorashooyinkii Baarlamaaniga ee Sweden ka dhacay sagaalkii bishaan September.

9/16/2018 1:54 PM EST
Axad, September, 16, 2018 (HOL) –Ciidammada booliska Soomaaliya ayaa ka billaabay caasimadda Muqdisho howlgallo ka dhan ah dadka sameeya Dukumiintiyada been abuurka, waxaa tallaabadan markiiba boggaadiyay guddoomiyaha gobolka Banaadir.

9/16/2018 1:22 PM EST
Axad, September, 16, 2018 (HOL) –Xildhibaannada Baarlamaanka Galmudug ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad-gobolleedka Galmudug ayaa maanta ka doodday mooshin laga keennay madaxweyne ku-xigeenka Galmudug,Maxamed Xaashi Carabey,iyadoo dhinaca kale la magacaabay guddi doorasho.

9/16/2018 12:43 PM EST
Axad, September, 16, 2018 (HOL) –Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland,Maryan Axmed Cali ayaa sheegtay in deegaannada Puntland uusan ka dhicin kiiska labo gabdhood oo u geeryoodey markii lagu sameeyay gudniinka fircooniga.

9/16/2018 11:45 AM EST
Axad, September, 16, 2018 (HOL) –Orodyahanka reer Kenya ,Eliud Kipchoge ayaa taariikh cusub ka dhigay tartanka oradka adduunka, wuxuu ku guulaystay tartankii ka socday magaalada Berlin ee dalka Jarmalka.

9/16/2018 11:01 AM EST
Axad, September, 16, 2018 (HOL) –Guddoomiyaha maxkamadda racfaanka gobolka Mudug,Sheekh Aadan Maxamed Faarax ayaa sheegay maxkamadaha gobolka Mudug inaysan helin muddo ku dhow lix bilood ah wax dhaqaalo ah, taas oo haddii ay sii socoto keenaysa inay istaagto adeegga garsoorka ee gobolka, sida u sheegay.

9/16/2018 10:36 AM EST
Axad, September, 16, 2018 (HOL) –Diyaaradaha dagaalka Israa'iil ayaa gantaallo ku weerarray garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhimishiq , sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

9/16/2018 10:00 AM EST
Axad, September, 16, 2018 (HOL) -Guddida dhaqaalaha ee golaha Wakiilada, xisbiyadda mucaaradka iyo shacabweynaha reer Somaliland ayaa si weyn uga biyo diiday taarikadda cusub ee la sheegay in baabuurta laga bedelayo, taas oo baabuur wal oo numbar cusub ku xidhanaya laga qaadayo lacag dhan lixdan dollar.

9/16/2018 9:42 AM EST
Axad, September, 16, 2018 (HOL) –Guddi uu Aqalka sare u saaray xallinta khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad-gobolleedyada xubno ka mid ah ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

9/16/2018 3:50 AM EST
Axad, September, 16, 2018 (HOL)–Wararka ka imanaya degmada lagu magacaabo Duuda ee wax yar 20km u jirta caasimada Jabuuti ayaa sheegaya in Libaax Dhedig ah uu dad ku weeraray.

9/16/2018 3:14 AM EST
Axad, September, 16, 2018 (HOL)–Wararka ka imaanaya dalka Burkina Faso waxay sheegayaan in kooxo looga shakiyay inay yihiin jihaad doon ay 9 qof ku dileen labo weerar oo kala duwan oo ay ku qaaden koonfur bari dalkaasi

9/16/2018 2:44 AM EST
Axad, September, 16, 2018 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusa-Mareeb ee xarunta u ah maamul gobolleedka Galmudug ayaa sheegaya in uu soconayo qaban qaabada kulan la doonayo in looga dodo mooshin ka dhan ah madaxweyne ku-xigeenka maamulka Maxamed Cabdi Xaanshi Carabey.

9/16/2018 1:17 AM EST
Axad, September, 16, 2018 (HOL)–Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland ayaaa shaaciyey imtixaankii shahaadiga ee dugsiyada sare iyo kuwo dhexe ee dalka oo dhan.

9/16/2018 12:46 AM EST
Axad, September, 16, 2018 (HOL) - Mid ka mid ah shirkadaha hilibka ee ugu wayn dalka Maraykanka ayaa ogolaatay heshiis dhexdhexaadin ah oo ku kacaya lacag ka badan hal milyan oo doolar oo magdhow ah.