3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 15, 2018
Munaasabad loo qabtay ardey ka qalinjabisay Shareecada & Qaanuunka


Sabti, September, 15, 2018 (HOL)– Munaasabada ballaaran oo ay ku qelin jebiyeen dufcadii koowaad ee dhameysatay taqasuska shareecada iyo Qaanuunka ee Jaamacadda Banaadir ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Hirgelinta taqasuskan oo socday muddo labo sano ah ayaa waxaa iska kaashaday Jaamacadaha Banaadir iyo International University of Africa ee dalka Sudan oo sanado ka hor kala saxiixday heshiis arintan ku saabsan.

Munaasabadan oo aheyd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxay sidoo kale kulmisay xiritaanka seminaar ku saabsanaa garsoorka toosan & sagootinta macalimiin ka yimid dalka Sudan oo ka tirsan Jaamacadda International University of Africa kuwaasoo muddo bil ah casharo taxane ah ka bixinayey taqasuska shareecada iyo Qaanuunka.

Seminaarka oo sadexda cisho ee uu socday ay casharo bixiyeen macalimiinta ka yimid Sudan ayaa waxaa ka faaiideystay qaar ka mid ah garsoorayaasha ka howlgala maxkamadaha dalka iyo xubno metelayey heyadaha Cadaaladda.

Dr. Mohamed Xaaji oo ah xiriiriyaha barnaamijka waxbarashada sare ee labada Jaamacadood ayaa sheegay in ardayda qelin jebisay ay nasiib u yeesheen iney ka faaideystaan taqasuska shareecada iyo Qaanuunka oo uu xusay inuu yahay markii ugu horeysay taariikhda ee dalka la keeno, wuxuuna tilmaamay in dhowaan ay bilaaban doonto diiwaan gelinta dufcada 3aad, isagoo ardayda qelin jebisay kula dardaarmay iney bulshadooda uga faaiideyaan aqoonta ay barteen.

Macalimiinta ka yimid dalka Sudan ee ka socday Jaamacadda International University of Africa oo kala ah Prof. Muusa Mohamed Ali Cabdalla, Dr. Ahmed Fakir Hussein Mohamed iyo Dr. Omar Abuu-Cubeydah ayaa iyana ka waramay muhimada uu leeyahay taqasuska shareecada iyo Qaanuunka iyo macnaha qotada dheer ee uu ku fadhiyo, iyagoo dhinaca kale ka mahad celiyey sida walaalnimada leh ee loo soo dhoweeyey mudada bisha aheyd ee ay dalka joogeen, waxayna ardayda qelin jebisay ugu baaqeen in aqoonta ay barteen ay ku dabaqaan howlaha ay umadda u hayaan si loo helo cadaalad toosan.

Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo isna xafladaas ka hadlay ayaa ugu horeyn u hambalyeeyey dufcadii koowaad ee ka qelin jebisay taqasuska shareecada iyo Qanuunka iyo dufcadda labaad oo iyana heer gebogebo ah maraya, isagoo u mahad celiyey macalimiintii ka socday Jaamacadda International University of Africa ee suurageliyey in taqasusyadan laga bixiyo Jaamacadda Banaadir.

“Jaamacadda Banaadir waxay xaqiijisay hirgelinta taqasuska shareecada iyo Qaanuunka oo markii ugu horeysay dalka la keenay, iyadoo la kaashaneysa Jaamacadda International University of Africa ee dalka Sudan waana guul lagu farxo in maanta ardaydii ugu horeysay ay ka aflaxeyso” ayuu yiri Gudoomiyaha oo hadalo dardaaran ah u jeediyey ardayda qelin jebisay.

Dr. Dalmar ayaa sheegay in heyadaha caddaalada iyo garsoorka dalka ay dhibaatooyin badan ka jiraan, loona baahan yahay ardayda dhameysatay taqasuska shareecada iyo Qaanuunka iney dhibaatooyinkaas wax ka bedelaan marka ay ka howlgalaan Maxkamadaha iyo xarumaha garsoorka dalka, maadaama ay barteen aqoon sare.

Prof. Cismaan Maxamuud Dufle oo ah Senator ka tirsan aqalka sare ee Baarlamanka Somalia, ahna madaxa qeybta waxbarashada sare ee Jaamacada Banaadir oo isna ka hadlay munaasabadan ayaa bogaadiyey ardayda qelin jebisay oo uu xusay iney barteen aqoon baahi weyn loo qabay oo dibeda loo aadi jiray, balse hadda loogu keenay dalkooda, isagoo u mahad celiyey Jaamacadda International University of Africa oo gacan weyn ka geysatay taaba gelinta Taqasuskan.

Waxaa sidoo kale xafladaas ka hadlay xubno ay ka mid yihiin Gudoomiye ku-xigeenka dhinaca maamulka ee Jaamacadda Banaadir ahna hormuudka kuliyadda shareecada iyo qaanuunka C/raxmaan Xasan Cumar oo ka waramay dedaalka labada Jaamacadood ku bixiyeen hirgelinta taqasuskan oo uu sheegay inuu noqday mid mira dhalay maadaama dufcadii koowaad ay ka qelin jebisay.

Gebagebadii waxaa xafladaas shahaadooyin lagu guddoonsiiyey Garsoorayaal iyo xubno kale oo ka faaiideystay seminaarka sadexda cisho socday ee la xiriiray shareecada iyo Qaanuunka, sidoo kale maamulka Jaamacadda Banaadir iyo qaar ka mid ah ardayda ayaa hadiyado ka kooban qalabka hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyed iyo waxyaabo kale gudoonsiiyey macalimiinta ka socday Jaamacadda International University oo Africa ee dalka Sudan oo ay si weyn ugu farxay, iyadoo xafladaas ay ku soo idlaatay jawi farxadeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
9/15/2018 6:44 PM EST
Sabti, September, 15, 2018 (HOL)– Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki iyo Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa gaaray Jeddah, si ay u saxiixaan heshiis nabadeed oo udhaxeeya labada dal.

9/15/2018 5:21 PM EST
Sabti, September, 15, 2018 (HOL)– Guddoomiyaha Jabhadda Oromada ee OLF loo soo gaabiyo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

9/15/2018 4:06 PM EST
Sabti, September, 15, 2018 (HOL)–Madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug ayaa beeniyay in xilka laga qaaday kaddib xildhibaanno galabta ku shiray magaalada Cadaado oo sheegay in ay kalsoonidii kala laabteen madaxweynaha.

9/15/2018 3:05 PM EST
Sabti, September, 15, 2018 (HOL)– Milateriga Itoobiya ayaa sheegay inay duqeyn ku dileen ku dhawaad 70 dagaalyahan oo ka tirsan ururka al-Shabaab, sida ay baahisay warbaahinta dowladda Itoobiya.

9/15/2018 3:02 PM EST
Sabti, September, 15, 2018 (HOL)–Xildhibaan ka tirsan golaha Shacabka oo lagu magacaabo Maxamed Mursal Booroow ayaa dhaawac culus ka soo gaaray qarax loogu xiray gaarigiisa agagaarka Tiyaatarka oo aan ka fogeyn xarunta madaxtooyada.

9/15/2018 12:25 PM EST
Sabti, September, 15, 2018 (HOL)– Dowladda gobolleedka Galmudug ayaa hadda u muuqda mid labo garab u qeybsamay, kaddib kulan maanta ay ku yeesheen magaalada Cadaado xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka maamul gobolleedka oo sheegay in ay xilkii ka qadeen madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

9/15/2018 10:35 AM EST
Sabti, September, 15, 2018 (HOL)–Maamulka deegaanno dhaca galbeedka gobolka Bari ayaa hay'adaha ammaanka ka dalbaday in tallaabo laga qaado cidda baahisay in Daacish ay la wareegeen deegaanno ka tirsan gobolka.

9/15/2018 10:24 AM EST
Sabti, September, 15, 2018 (HOL)–Guddiga madasha nabaddaynta gobolka Mudug ayaa maanta ku soo bandhigay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug xeer ,si xal waara looga gaaro colaadda iyo dagaallada soo noq noqday.

9/15/2018 9:53 AM EST
Sabti, September, 15, 2018 (HOL)– Madaxweyne Muuse BIixi Cabdi ayaa maanta shahaado-sharafyo ku maamuusay lix sarkaal oo kasoo qalin-jabiyey jaamacado dibadda ah, kuwaas oo qaarkood kaalmo sare ka galeen jaamacadihii ay wax kasoo barteen.

9/15/2018 7:57 AM EST
Sabti, September, 15, 2018 (HOL)–Maxkamadda Ciidamada qalabka sidda ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta xukun ku riday 5 ruux oo dhalinyaro ah, kuwaasoo lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab ee ka dagaallama Soomaaliya.

9/15/2018 5:24 AM EST
Sabti, September, 15, 2018 (HOL)–Iyadoo aad moodo in uu sii adkaanayo khilaafka u dhaxeeya madaxda ugu sareysa maamul gobolleedka Galmudug ayaa ayaa waxaa ka soconaya degmooyinka Dhuusa-Mareeb iyo Cadaado kulamo siyaasadeed oo iska soo horjeeda.

9/15/2018 4:26 AM EST
Sabti, September, 15, 2018 (HOL)–Magaalada Jeddah ee dalka Saudi Arabia ayaa lagu wadaa in saacadaha soo coda gaaraan madaxda dowladdaha Itoobiya iyo Eritrea oo martiqaad ka helay Boqorka dalkaasi Sacuudiga.

9/15/2018 3:21 AM EST
Sabti, September, 15, 2018 (HOL)–Inkastoo nolasha magaaladu tahay mid socota oo dadku iska wataan howl-maalmeedkoodii caadiga ahaa, haddana dhinaca kale waa dhif iyo naadir in aysan dhagahaagu maqal magaalada Muqdisho qarax ayaa meel hebel ka dhacay iyo kooxo hubeysan ayaa dad toogasho ku dishay.

9/15/2018 1:17 AM EST
Sabti, September, 15, 2018 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in waabarigii hore ee saakay dagaal culus qeybo ka mid ah degmada ku dhaxmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab.

9/15/2018 12:45 AM EST
Sabti, September, 15, 2018 (HOL)-Xukkumada Madaxweyne Trump ayaa dalka Iiran kusoo rogaysa cunaqabatayno wajiyo kala duwan leh kaddib markii Maraykanka uu isaga baxay heshiiska nukliyeerka ee Iiran.

9/15/2018 12:19 AM EST
Sabti, September, 15, 2018 (HOL)–Wararka naga soo gaaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in rag hubeysan xalay toogasho ku dileen labo wiil oo dhalinyaro ah meel aan ka fogeyn suuqa weyn ee magaalada.