3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 14, 2018
Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo Cadaado gaaray

 

Jicmo, September, 14, 2018 (HOL) - Madaxweyne ku-xigeenka dowlad gobolleedka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey ayaa maantaa gaaray magaalada Cadaado, xilli uu khilaaf xooggan ka dhex jiro Maamulka Galmudug oo sababay in xilka laga qaado Guddoomiyihii Baarlamaanka Cali Gacal Casir.

Madaxweyne ku-xigeenka oo maalmihii ugu danbeeyayba ku sugnaa degmada Caabud-Wwaaq ayaa siweyn halkaa loogu soo dhaweeyay.

Degmada Cadaado ayaa sidoo kale laga sugayaa in uu gaaro Cali Gacal Casir Guddoomiyihii Baarlamaanka Galmudug oo ay xildhibaanno ku shiray Dhuusa-Mareeb sheegeen in ay xilkii ka qaadeen.

Magaalada Cadado xaruntii hore ee dowlad gobolleedka Galmudug ayaa waxaa ka soconaya kulamo iyo shirar siyaasadeed looga arinsanayo xaaladihii ugu danbeeyay ee ka soo cusboonaaday maamulka oo siweyn isku khilafsan.

Waxaa khilaafkan uu xoogeystay kaddib markii xildhibaanno ku shiray Dhuusa-Mareeb sheegeen in ay xilkii ka qaadeen Cali Gacal Casir.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
9/14/2018 11:57 AM EST
Jicmo, September, 14, 2018 (HOL) –War ka soo baxay golaha iskaashiga dowladda gobolleedyada oo dhawaan ku dhawaaqay in ay xiriirka u jareen dowladda dhexe, ayaa sharuud ku xiran ka qeybgalka shirka uu ku baaqay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo qorshuhu yahay in 17ka bishan leysugu yimaado.

9/14/2018 9:36 AM EST
Jicmo, September, 14, 2018 (HOL) –Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar ayaa mar kale maanta ka soo hormuuqday maxkamd isaga oo ku eedeysan danbiyo kala duwan.

9/14/2018 8:22 AM EST
Jicmo, September, 14, 2018 (HOL) –Ciidamada dowladda Soomaliya ayaa sheegay in ay gacanta ku dhiggeen sarkaal ka tirsanaa Ururka Al Shabaab, kadib howlgal ay ka smeeyeen degmada Huriwaaa ee gobolka Banaadir.

9/14/2018 8:04 AM EST
Jicmo, September, 14, 2018 (HOL) – Xeer-ilaaliyaha guud ee Soomaaliya Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya soo dhameystirtay islamarkaana gudbisay dhammaan jawaabihii looga baahnaa dacwadda Badda ee kala dhaxeysa dowladda Kenya oo taa oo hortaala maxkamada danbiyada caalamig ah.

9/14/2018 1:50 AM EST
Jicmo, September, 14, 2018 (HOL)-Wargayska The Guardian ayaa qoray maqaal uu kaga hadlayo ciidamo Maraykan iyo Soomali isugu jiray oo u dhacay guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ”ayagoo ay dhici karto inay ku socdeen xog sirdoon oo khaldan”.

9/14/2018 1:40 AM EST
Jicmo, September, 14, 2018 (HOL) – Bangiga adduunka ayaa saadaaliyay in dhaqaalaha Soomaaliya uu sanadkaan kordhi doono 3-4%, bangiga ayaa daabacay qiimeyntiisii saddexaad ee ay ku sameeyeen dhaqaalaha Soomaaliya taasi oo muujineysa qodobada ugu waaweyn ee tilmaamaya hormar dhaqaale inuu dhacay iyo in kale iyo talooyin ku saabsan xoojinta ama kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha.

9/14/2018 1:22 AM EST
Jicmo, September, 14, 2018 (HOL) - Wakiilka gaar ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaaabilsan Soomaaliya Michael Keating oo xilku ka sii dhammaanayo ayaa ka hadlay mashkaladaha siyaasadeed ee ka jira dalka Soomaaliya, isaga oo sheegay in mustaqbalka Soomaaliya uu ku jiro gacanta Soomaalida, loona baahan yahay inay si wadajir ah u wada shaqeeyaan.