3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 14, 2018
Sababta weerarkii guriga Aadan Cadde oo lagu sheegay xog sirdoon oo qalad aheyd

 

Jicmo, September, 14, 2018 (HOL) - Wargayska The Guardian ayaa qoray maqaal uu kaga hadlayo ciidamo Maraykan iyo Soomali isugu jiray oo u dhacay guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ”ayagoo ay dhici karto inay ku socdeen xog sirdoon oo khaldan”.

Wuxuu sheegay in ciidankii guriga jabiyey uu la socday ugu yaraan “hal qof oo ajnabi ah”.

Mid ka mid ah saraakiisha sirdoonka ee Soomaaliya, oo si toos ah wax uga ogaa hawlgalkan ayaa isna sheegay in “”xog sirdoon oo khaldan ay jirtay intaan la qaadin iyo intii uu socday weerarka lagu qaaday guriga madaxweynihii hore”.

Il-wareed ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa wargayska u sheegay in “bartilmaameedka uusan ahayn guriga madaxweynihii hore, Aadan cabdulle. Kani wuxuu ahaa hawlgal ay qaadeen ciidan gaar ah oo Soomaali ah, waxaana la socday la taliyeyaashooda Ameerikaanka ah. Xoogaggaas waxay daba socdeen xubin ka tirsan koox argagixiso oo u cararay dhinaca guriga madaxweynihii hore, laakin ciidankaas waxay si khaldan u weerareen guriga oo qoyska ay ku nool yihiin” ayuu il-wareedkaas sheegay.

Isla qofkaas wuxuu u sheegay wargayska in ra’iisul wasaare Khayre uu qoyska u sheegay in la baarayo arrinka, dhawaanna la sii deynayo 3 wiil oo dhallinyaro ah oo la kaxaystay.

Gaashaanle Karl Weist oo ah afhayeenka taliska ciidanka Maraykanka ee Afrika ayaa u sheegay wargayska The Guardian in ciidanka Ameerikaanka uu doorkoodu yahay "la talin iyo caawin", ayna bahwadaag kula yihiin ciidanka Soomaalida sidii loo kala dhantaali lahaa oo loo wiiqi lahaa hawlgallada Al Al Shabaab ee “Wagaante” oo halkaa u dhow, oo uu ula jeeday deegaanka Waagaade, habeennimadii 4 Siteembar 2018.

“Hawlgalka waxaa lagu bartilmaameedsanayey shabakadda qaraxyada ee Al Shabaab. Ciidanka Maraykanka kaalintooda waa kaalmo kaliya” ayuu yiri.

Xigashada/BBC

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
9/14/2018 11:57 AM EST
Jicmo, September, 14, 2018 (HOL) –War ka soo baxay golaha iskaashiga dowladda gobolleedyada oo dhawaan ku dhawaaqay in ay xiriirka u jareen dowladda dhexe, ayaa sharuud ku xiran ka qeybgalka shirka uu ku baaqay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo qorshuhu yahay in 17ka bishan leysugu yimaado.

9/14/2018 9:36 AM EST
Jicmo, September, 14, 2018 (HOL) –Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar ayaa mar kale maanta ka soo hormuuqday maxkamd isaga oo ku eedeysan danbiyo kala duwan.

9/14/2018 8:22 AM EST
Jicmo, September, 14, 2018 (HOL) –Ciidamada dowladda Soomaliya ayaa sheegay in ay gacanta ku dhiggeen sarkaal ka tirsanaa Ururka Al Shabaab, kadib howlgal ay ka smeeyeen degmada Huriwaaa ee gobolka Banaadir.

9/14/2018 8:04 AM EST
Jicmo, September, 14, 2018 (HOL) – Xeer-ilaaliyaha guud ee Soomaaliya Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya soo dhameystirtay islamarkaana gudbisay dhammaan jawaabihii looga baahnaa dacwadda Badda ee kala dhaxeysa dowladda Kenya oo taa oo hortaala maxkamada danbiyada caalamig ah.

9/14/2018 6:47 AM EST
Jicmo, September, 14, 2018 (HOL) - Madaxweyne ku-xigeenka dowlad gobolleedka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey ayaa maantaa gaaray magaalada Cadaado, xilli uu khilaaf xooggan ka dhex jiro Maamulka Galmudug oo sababay in xilka laga qaado Guddoomiyihii Baarlamaanka Cali Gacal Casir.

9/14/2018 1:40 AM EST
Jicmo, September, 14, 2018 (HOL) – Bangiga adduunka ayaa saadaaliyay in dhaqaalaha Soomaaliya uu sanadkaan kordhi doono 3-4%, bangiga ayaa daabacay qiimeyntiisii saddexaad ee ay ku sameeyeen dhaqaalaha Soomaaliya taasi oo muujineysa qodobada ugu waaweyn ee tilmaamaya hormar dhaqaale inuu dhacay iyo in kale iyo talooyin ku saabsan xoojinta ama kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha.

9/14/2018 1:22 AM EST
Jicmo, September, 14, 2018 (HOL) - Wakiilka gaar ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaaabilsan Soomaaliya Michael Keating oo xilku ka sii dhammaanayo ayaa ka hadlay mashkaladaha siyaasadeed ee ka jira dalka Soomaaliya, isaga oo sheegay in mustaqbalka Soomaaliya uu ku jiro gacanta Soomaalida, loona baahan yahay inay si wadajir ah u wada shaqeeyaan.