4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 13, 2018
Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya militariga Soomaaliya oo weerar ku dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

 

Khamiis, September, 13, 2018 (HOL) –Ciidamada Mareykan ah oo kaashanaya militariga Soomaaliya ayaa weerar ay ka geysteen deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha waxaa ay sheegeen in lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

Weerarka ayaa lagu dilay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya halka kuwo kalana la dhaawacay, weerarkan oo dhacay 11kii bisha September.

Duqeyn cirka ah oo ay geysteen ciidamada Mareykanka ayaa lagu dilay labo xubnood oo ka tirsan Al-shabaab halka kuwa kalana lagu dhaawacay.

Ururka Al-shabaab ayaa u dagaalamaya in ay ridaan dowladda Soomaaliya, sidoo kale waxaa ay weeraro culus ka geystaan gudaha dalka dariska la ah Soomaaliya ee Kenya.

Todobaadyadii ugu danbeeyay Al-shabaab waxaa ay kordhiyeen weerarrada qaraxyada ah oo ay ka geystaan gudaha magaalada Muqdisho, waxaana ugu danbeeyay labo weerar oo ay ku qaadeeen xarumaha degmooyinka Howl-wadaag iyo Hodan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]