3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 13, 2018
Golaha Wasiiradda oo ka dooday saxiixyada hishiisyada caalamiga ah

 

Khamiis, September, 13, 2018 (HOL) -Golaha wasiirrada xukuummadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxa ay uga hadleen siyaasadda dawladda ee hantida qaranka iyo hannaanka saxiixyada heshiisyada caalamiga ah.

Shirka golaha wasiirrada ayaa ugu horayn looga dooday siyaasadda hantida qaranka, waxaana falanqayn dheer kadib la isku raacay in guddi qaran oo heer wasiirro ah loo saaro tirakoobka iyo diiwan gelinta hantida qaranka si ay warbixin dhamaytiran uga keenaan hantida ay dawladdu leedahay.

Golaha ayaa magacaabay guddi ay hoggaaminayaan garyaqaanka guud iyo wasiirka hawlaha guud, dib u dhiska iyo guryaynta si ay baaritaan ugu sameeyaan shuruucda dalku lahaa ee lagu maamulo hantida qaranka, kadibna ay golaha ugu soo gudbiyaan kulanka xiga, si xukuummaddu ay ugu salayso siyaasadeeda ku aaddan ilaalinta hanitada qaranka.

Kulanka golaha oo uu guddoominayay ra’iisul wasaare Xassan Cali khayre ayaa lagu soo bandhigay dhibaatooyin dhaqaale oo ka dhashay heshiisyo ay galeen dawladihii hore, waxaana dood dheer kadib golohu isku raacay in qorshaha lagu saxiixayo heshiisyada caalamiga ah ogaysiiyo garyaqaanka guud iyo ra’iisul wasaaraha si looga fogaado dhibaatooyin kale oo laga dhaxlo heshiisyo dawladdu gasho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
9/13/2018 3:32 PM EST
Khamiis, September, 13, 2018 (HOL) - Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta Dugsiga Tababarka ee Jeneraal Kaahiye(Iskool Buluusiya”) kaga qeyb galay kulan lagu dhiira gelinaayay dhallinyaro ku soo biirtay Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo tababar u socdo.

9/13/2018 1:39 PM EST
Khamiis, September, 13, 2018 (HOL) –Ciidamada Mareykan ah oo kaashanaya militariga Soomaaliya ayaa weerar ay ka geysteen deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha waxaa ay sheegeen in lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

9/13/2018 9:10 AM EST
Khamiis, September, 13, 2018 (HOL)–Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo warbaahinta la hadlay wax yar uu kaddib markii uu soo baxay warku ku saabsan in xilka laga qaaday ayaa arintaa ku gacanseyray, isaga oo sheegay in Dhuusa-Mareeb ay ku shireen dhalinyaro iyo dad kale oo aan xildhibaanno aheyn.

9/13/2018 6:43 AM EST
Khamiis, September, 13, 2018 (HOL)–Wararka naga soo gaaraya degmada Dhuusa-Mareeb ayaa sheegaya in xildhibaanno halkaa fadhi ku yeeshay xilkii ka qaadeen guddoomiyihii baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo ku sugan magaalada Muqdisho.

9/13/2018 4:27 AM EST
Khamiis, September, 13, 2018 (HOL)–Dowladda iyo Mucaaradka Koonfurta Sudan ayaa heshiis kama danbeys ah ku kala saxiixday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo lagu soo gabagabeeyay shirkii Urur gobolleedka IGAD.

9/13/2018 3:45 AM EST
Khamiis, September, 13, 2018 (HOL)-Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Mudane Max’ed C/laahi Salaad (Oomaar) oo ay wehlinayeen ku simaha agaasimaha hay’adda Duulista.......

9/13/2018 1:48 AM EST
Khamiis, September, 13, 2018 (HOL) - Mukhtaar Rooboow Cali Abuu-Mansuur oo horay u soo noqday ku-xigeenka Amiirka Xarrakada Al-shabaab, laakiin sanadkii 2017da si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu ka baxay Ururka, ayaa hadda isku diyaarinaya in uu ka mid noqdo musharixiinta u taagan doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

9/13/2018 1:00 AM EST
Khamiis, September, 13, 2018 (HOL)-Sida muuqata waxaa dib u dhac uu ku yimid dib ugu soo laabashadii xubin-nimada Urur gobolleedka IGAD ee dowladd Eritrea, iyadoo aysan iman shirka Addis Ababa wafdi ka socda xukuumadda Asmara.

9/13/2018 12:49 AM EST
Khamiis, September, 13, 2018 (HOL)-Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guturres ayaa si rasmi ah ugu magacaabay Nicholas Haysom in uu noqdo ergeyga gaar ah ee QM u qaabisan Soomaliya isaga oo badali doono ergeygii hore Michael Keating .