4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 15, 2018
Golaha wasiirrada Puntland oo ansixiyay degmooyin cusub

Khamiis, November, 15, 2018 (HOL)-  Golaha wasiirrada Puntland oo maanta ku shirey xarunta madaxtooyada Puntland ee duleedka magaalada Garoowe ayaa ansixiyay labo degmo,kaddib soo gudbin ka timid wasaaradda arrimaha gudaha Puntland.

Degmooyinka cusub ee ay wasiirrada Puntland ansixiyeen ayaa kala ah, Yubbe iyo Ceegaag oo ka kala tirsan gobollada Sool iyo Ceyn ee Puntland.

Shirka golaha wasiirrada Puntland oo sidoo kale, looga hadlay qodobbo la xiriira amniga ayaa golaha wasiirrada waxaa ay ku oggaaladeen Sanduuqa horumarinta Puntland oo ay hirgalineyso xukuumadda Puntland.

Hoos ka akhri warmurtiyeedka shirka wasiirrada Puntland;

Iman Mohamed Jama , Hiiraan Online
[email protected]